Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidan Kumaandoosta ah oo Maanta Tababar loogu soo xiray Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidan_Kumaandoos_Tababar_loo_xiray_1-2.

Muqdisho (PP) ─ Boqolaal ka tirsna ciidanka kumaandoosta Somalia ayaa maanta tababar loogu soo xiray xerada ay Turkigu ka dhiseen Muqdisho, iyadoo xiritaanka tababbarkan ay goob-joogayaal ka ahaayeen saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa DANAB ayaa waxaa tababaray Turkiga, iyagoo qayb ka ahaa 5,000 oo askari Dowladda Somalia ay kula heshiisay dowladda Turkigu inay u tababarto.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia, Jen. Indha-Qarshe ayaa sheegay in ciidamadan ay ka mid yihiin ciidamada ay ugu talogaleen inay kula dagaalamaan Al-shabaab oo uu sheegay inay dhibaatooyin dhanka amniga ah ay dalka ku hayaan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa uga mahad-celiyay Dowladda Turkiga tababarka ay ciidamadan siiso, isagoo u hambalyeeyay ciidamada loosoo xiray tababarka, wuxuuna u rajeeyay inay noqdaan kuwii dalka ka xureeya cadawga soona celiya sharafta iyo karaamada Somalia.

Dhanka kale, Tababarka ciidamadan oo qayb ka ah hal-beegyada Tubta amniga iyo cadaaladda, ayaa sidoo kale ku jira qorsha dawladdu ay ku dhisayso ciidanka xoogga dalka, si mas’uuliyadda amaanka dalka loogu wareejiyo ciidanka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Dhawaan ayay ciidammo kumaandoos ah oo lagu soo tababaray dalka Turkiga waxay soo gaareen Muqdisho, iyadoo sidoo kalena loo qaaday Turkiga ciidammo kale oo lasoo tababarayo.

Ciidan_Kumaandoos_Tababar_loo_xiray_1-5. Ciidan_Kumaandoos_Tababar_loo_xiray_1-4. Ciidan_Kumaandoos_Tababar_loo_xiray_1-3. Ciidan_Kumaandoos_Tababar_loo_xiray_1-1- Ciidan_Kumaandoos_Tababar_loo_xiray_1-1.

PUNTLAND POST

The post Ciidan Kumaandoosta ah oo Maanta Tababar loogu soo xiray Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this