Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Jeneral Koronto: Ma aqbaleyno sida madaxda DF ay ula dhaqmayaan reer Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyihii hore ee Qeybta 27-aad ee xoogga dalka Jen Koronto ayaa ka hadlay Xaaladihii ugu dambeeyey ee Magaalada Muqdisho iyo banaanbaxyada la hadal hayo inay ka dhici doonaan Magaaladaan.

Jen Koronto  ayaa sheegay in Siyaasiyiinta u hadlay dowladda aanay aheyn dad matala dadka Banaadir ee ay yihiin kuwo horay u kala qeybiyay dadka oo taariikhdooda la haayo.

“nimanka xalay hadlay ee Siyaasiyiinta ah, Salaad Cali Jeelle iyo Cali Maxamed Geeddi waa nimanka kala qeybiyay dadka Banaadir oo horay uga soo fashilmay dalka inay maanta dowladda u hadlaan waa nasiib darro, dadkaas Banaadir kuma qancaan inay ku hadlaan oo ay ku soo horkacaan, waxay abuureysa waxyaabo horay loo iloobay in la soo xusuusto, Madaxweynaha waxaa loo qaadanayaa inuu raalli ka yahay, nimankaas mama talaan dadka Banaadir waa dad taariikhdooda qoran tahay oo dhibaatooyin u geystay dadkaan”

Konronto ayaa sheegay inaan qofka lagu daaweyn wixii ay Calooshiisa ku jiratay balse loo baahan yahay in daawo kale loo raadiyo, isagoo ula jeedo in Dhibaatada Gobolka Banaadir heysato ay keeneyn Cali Geedi iyo Salaad Cali Jeelle sidaas darteedna aan iyagii lagu daaweyn karin.

Jeneraalka ayaa sidoo kale sheegay inaan loo dulqaadan karin in Ciidamadii ka tirsanaa Dowladda ee dhawaan kasoo baxay Furumaha dagaalka ee mushaarka waayey lagu tilmaamo inay yihiin kuwa Qabiil, wuxuuna xusay in Mid kamid ah la taliyaasha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo uu sheegay inaan ciidamadaas loo heyn mushaar isla markaasna ay yihiin kuwa Qabiil.

Koronto ayaa sheegay in loo baahan yahay inuu Madaxweynaha arrintaas ka hadlo haddi kale loo qaadan doono inuu Madaxweynaha  aaminsan yahay in qaar ka tirsan Ciidamada Qaranka ay yihiin kuwa Qabiil isla markaasna aan lacag la siineyn.

Wuxuu intaas ku daray in Ciidamadaas Madaxweynaha markii hore lagu wareejiyey iyagoo qaran ah oo aan qabiil aheyn haddana aan laga yeeleyn inuu ka dhigo kuwa Qabiil.

Koronto ayaa ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu shaqadiisa dhanka ciidamado uu qabsado uuna kasoo baxo godka uu isku qarinayo sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this