Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhismeyaal Badan Oo An Dhirlahayn Oo Kusii Badanaya Caasimadii Iyo Carqaladaha (Consequences) Ka Dhalankara. W.Q Abdiqani Salaf.

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanqadh dhaga bani aadamka dhagahiisa kusoo dhacda waxa ugu qiimo badan xaga nolosha inagu xeeran ee dabiiciga ah cida iyo shaamareerka shimbirimaha. Shimbiruhuna waxay ku noolyihiin dhirta waawayn. Markii geed wayn lajaro ee loo bedelo dhuxul waxaa meesha ka baxa nolosha noole badan oo ku dul noolaa oo ay ugu muhiimsanayeen shimbiro. Cidi shimbiraha marka aad joogto meel bilaa sanqadha waxa ku safaysma maqalka, waxa ku raxaysta dhega sidoo kale waxaa kaa yaraanaya culayska iyo (depression) uu dhaliyo buuqa magaaladu. 
Qof waliba wuxu jecelyahay hadhka dhirta xataa gaadhigiisa wuxu la jecelyahay hadh hadana waligaa geed aad jarto mooyee geed maad beerin adigaan haa waa runtay aqriste waad jeceshay dhulku wada dhir noqdo lakin hadana waxad necebtay dhir beerista. Dhirtu waxay ka mid tahay waxyaabaha noolaha ka caawiya nolosha. Dhanwalba markad eegto nolosheenu waxay kutiirsantay waxa dhulka kasoo baxa wayo samada rooobka iyo raxmada Allah swt. Aya inaga xigta lakin nolosheeyo wa dhirta iyo wixi lahalmaala.

1D6A77B8-72ED-472B-9A96-438BD0499CDD.jpe


Magaalada hargeisa waxay ahanjirtay ta ugu dhirta badan Somaliland maantana waata ugu dhirta yar. Waxay ahayd magaalo qabow oo cimilo wanaagsan maanta lakin berbera Aya ka qabow. Bilkasta waxa la dhisaa ugu yaraan 270 guri halgeed cidi m beerto. Dadkii xanuuno badan oo barigii ay dhirtu badnayd aan la arki jirin ayay kawada cabanayaan maanta. Waxan ku talinayaa inaan dhirta beeristeeda ku dedaalno kaliya afar geed ka hor beer gurigaaga faa,idada waad arki doontaaye.
Allah MahadlehWaa qalinkiiAbdiqani Salaf.     

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this