Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka tirsan BF oo magaalada Jabuuti ku leh kulan shaki badan dhaliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Bii’ada ee baarlamanka Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Jabuuti, halkaasi oo shalay uu uga furmay shir ku aadan arrimaha shidaalka Soomaaliya.

Shirka guddigan oo dhowr toban xildhibaan ka kooban, ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galaya Wasaaradda Batroolka , hase yeeshee ma jirto cid ka socota dowlad goboleedyada oo shirka joogta.

Kulamadan ayaa la sheegay in dib u eegis loogu sameynayo sharcigii 2008 ee batroolka Soomaaliya, kaasi oo isbeddel lagu samaynayo islamarkaana la doonayo in laga dhigo sharci cusub oo baarlamanka la horgeeyo, si loo ansixiyo.

Hase yeeshee, sababta guddiga ay ugu shirayaan meel dalka ka baxsan ayaa abuurtay su’aalo iyo tuhuno la xiriira waxa ay damacsan yihiin.

Xildhibaano la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in guddiga ay ku shiri kareen mid ka mid ah hoteellada Muqdisho, ama xitaa gobollada kale ee dalka, haddii ay amni darro uga baqayaan caasimada.

Waxyaabaha tuhunka abuuray ayaa waxaa ka mid ah in ansixinta sharciga batroolka dalka ee baarlamanka laga sugayo ee ku lug leeyihiin gacmo saddexaad, gaar ahaan shirkadaha aadka u danaynaya shidaalka Soomaaliya.

“Sharci yaqaannada shirkadaha shidaalka ma doonayaan inay yimaadaan Muqdisho, marka waxaa macquul ah in xildhibaanadeennii ay ayaga u tageen” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey loogu dhaliilay inay ku deg degeyso xaraashka shidaalka Soomaaliya, xilli aysan xitaa dalka gacanta ku wada hayn, oo aysan awood u lahayn inay shidaal soo saarto.

Waxyaabaha dowladda lagu dhaliilay ayaa waxaa ka mid ahaa inay gadaal ka riixayaan shirkadaha ka faa’iideysanaya diyaar garow la’aanta Soomaaliya, si ay u helaan heshiis ayaga u janjeera, oo Soomaaliya aysan faa’iido badan ku qabin.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa horey uga tirsanaa shirkadda Soma Oil and Gas, oo uu ka baxay markii uu ra’iisul wasaaraha noqday, isaga oo saamigii uu ku lahaa ku iibiyey laba milyan oo dollar.

Si kastaba, Kheyre ayaa weli la rumeysan yahay inuu xiriir la leeyahay mas’uuliyiinta shirkaddaas iyo qara badan oo ka mid ah shirkadaha shidaalka ee Soomaaliya danaynaya.

In kulan lagu qaban karo gudaha dalka la geeyo dibeddana waxay sii kordhineysaa un shakiga.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this