Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqsiyaad adeegsanaya facebook oo qal-qal geliyey DF kadib markii ay fahmeen halka ay ka nooshahay Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadd Online) – Shakhsiyaad adeegsanayo Facebook ayaa qalqal geliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii Social Media –yaha  laga sheegay inuu dhici rabo banaanbax loogu soo horjeedo didadka xiran ee Magaalada Muqdisho.

Inkastoo wax banaan bax ah uusan ka dhicin magaalada Muqdisho ayaa haddana waxaa maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay, baraha bulshada laga abaabulayay dibadbax la sheegay in uu 18-ka bishan ka dhici doonaa magaalada Muqdisho, kaas oo dadka ku howlan ay shegeen inay ku dalbanayaan xal u helida dhibaatooyin ay shegeen inay heystaan shacabka ku nool gobolka Banaadir.

Salaad Cali Jeele oo ah la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya  ayaa sheegay in dowlada shisheeye iyo siyaasiyiin soomaali ah ay gadaal ka riixayaan dibadbaxyada la hadal hayo ee Muqdisho.

“Dowladda Imaaraatka waxaad ogtahay inay faragelin ku heyso dowladda Soomaaliya tan iyo markii dowladda ay go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka dalalka Carabta, banaan baxaas waa mid barakaacyaasha lagu siinayo lacag oo lagu dhahayo laamiga fariista”. Ayuu yiri Salaat Cali Jeele.

Dibadbaxyada la hadal hayo ayaa sidoo kale waxa ka hadlay cullimada magaalada Muqdisho, kuwa oo sheegay in banaan baxyadaas aysan waafaqsanayn diinta Islaamka.

“Walaalayaal in dowlad sharci ah oo dalka si nidama ku maamusho lagu banaanbaxoo oo laga hor yimaado oo la muujiyo muqaalo diidma ah, iyo in dad siyaasiyiinta dowladdas mucaaradaya ay shacabka ka dhigtaan gabaad dana siyaasdaeed awgeed, Diin ahaan ma banaana”. Sidaas waxaa warbaahinta dowladda ka sheegay sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isna ka hadlay warbaahinta Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digey in aysan qaldin kuwa uu sheegay inay leeyihiin dano gaar ah iyo in aan loo baahnayn in fawdo iyo qalalaase la geliyo caasimadda dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waday abaabul iyo diyaar garow ay uga hortageyso dibadbax walba oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Taliyaha booliska dowladda federaalka, Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ka digay banaan baxyada la hadal hayay maalamahan, kuwaa oo looga soo horjeedo siyaasdaaha dowladda federaalka, waxaana madaxda amniga ay maalin kahor magaalada Muqdisho kusoo bandhigeen ciidamo loo diyaariyay ka hortaga rabshadaha.

Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku jirta xaalad ka duwan xaaladihii hore looga bartay, iyadoo Isgoysada waa weyn ee waddooyinka la dhigay Ciidamo Boolis ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan oo boolis ah ayaa feejignaan dheeraad ah ku jira, iyagoo wata gaadiidka dagaalka, mid Ambalaas ah iyo hub fara badan, waxaana jira warar sheegaya inay doonayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen banaanbaxyada laga cabsi qabo inay maanta ka dhacaay maagalaada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada lagu soo daadiyay inta u dhexeysa Isgoyska Dabka ilaa midka Ex Koontarool Afgooye, iyadoo sidoo kale Ciidamo fara badan la dhigay qeybo kamid ah wadada Wadnaha, iyadoo la doonayo in laga ceiyo hadii banaabnaxayaal ay u soo tilaabayaan dhanka wadada Maka Al-Mukarama.

“Ciidamadan waa kuwo aad u taxadaraya, waana Ciidan aan hore loo arag, waxey tagayaan maqaaxiyaha ay dadka fariistaan, iyagoo kala eryaya meeshii ay fadhiyaanba wax ka badan shan ruux, waxeyna dadka u sheegayaan iney xaafadohooda isaga xaroodaan, mana garaneyno waxa jira” ayuu yiri qof ka mid ah dadka ku sugan nawaaxiga Isgoyska Debka.

48dii saac ee lasoo dhaafay waxaan raadineynay dhab ahaanshaha banaanbaxa la hadal hayo inuu Maanta ka dhacayo Muqdisho, waxaana weynay cid si sax ah u xaqiijin karta inuu banaanbaxaas jiro, sababta loo banaanbaxayo iyo abaabulayasha midna.

Qof walba wuxuu ku lee yahay Facebook umbaan ka arkay. Dowladuna waxey diyaarisay ciidan hubeysan iyadoo aan hubin xaqiiqada arrintaan, sidoo kale qarash badan ayaa ku baxay in laga hadal siiyo odayaasha dhaqanka,siyaasiyiin xilal soo qabtay, culumo iyo ururada haweenka kuwaas oo dhamaan ku baaqaya inaan la dhigin banaanbax. (Been waligaa beeso ma ku qaadatay)

Sheekadan waxaa abuuray dad qurbaha jooga oo ku mideysan Facebook iyo Whatsapp Groups, kuwaas oo fahamsan in taliska Villa Somalia uu baraha bulshada ku dhex nool yahay, oo halkaas laga jahwareerin karo.

\Waxaa la sameeyay qoraalo, muuqaalo iyo boorar Facebook ku eg. Dad kicinta ololaha warbaahinta ku fiican ayaa ka adeegtay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this