Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin Khasaarihii ka dhashay Qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Dabka ee Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   
Qarax_Xamar_Waaberi_Saldhig.jpg?w=1000&s

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay in ka badan 15-qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday maqaayad ku taalla agagaarka saldhigga booliiska degmada Waaberi.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Somalia, Jen. Zakiya Xuseen Axmed oo la hadashay warbaahinta qaraxa kaddib ayaa sheegtay in khasaaraha qaraxa ee ay iyagu xaqiijiyeen uu yahay afar dhimasho ah iyo shan dhaawac ah.

Balse, Goobjoogayaal hadlay warbaahinta ayaa iyaguna sheegay inay arkeen dhimashada shan ruux, sidoo kalena mas’uuliyiinta gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Aamin Ambulance ayaa sheegay in dhaawacyada ay qaadeen ay ka badan yihiin 15-qof.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii galabta ka dhacay isgoyska Dabka, iyadoo afhayeen u hadlay kooxda uu sheegay inay si gaar ah ula beegsadeen goob ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Dowladda FS, ayna tiro dhawr ah ku dileen.

Sidoo kale, Ciidamada Dowladda Somalia oo soo gaaray halka uu Qaraxu ka dhacay ayaa cidna u qaban qaraxa, mana jirto ciidammo goobta galay sida looga bartay Al-shabaab marka ay qaraxyada ku weeraraan goobaha ay bartilmaameedsadaan.

Dhanka kale, Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay qaraxyo la beegsadaan goobo ay shacabku ku badan yihiin, waxaana qaraxaan uu ka mid noqonayaa tiro qaraxyo ah oo dhawaanahan ka dhacayay Xamar.

Ugu dambeyn, Qaraxan ayaa wuxuu dhacay saacado kaddib markii Qarax kale oo sababay burbur hantiyeed uu isla maanta ka dhacay waddada aadka u mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama, taasoo ah mid ay inta badan is-ticmaalaan madaxda dowladda iyo ciidamada AMISOM.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin Khasaarihii ka dhashay Qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Dabka ee Xamar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this