Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mid ah la taliyayaasha wasaarada arimaha dibada ee Somaliland oo ku sugan dalka Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir ku xigeenkii hore arimaha dibada Somaliland ee xukumadii Siilaanyo Isla markaana hada ka mid ah la taliyayaasha wasaarada arimaha dibada ee Somaliland mudane Kaysar Maxamed Cabdillahi ayaa maanta ka degay magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka, ma cada ilaa hada u jeedada safarka masuulkaasi

Hase ahaatee wararka ay Qarannews ka helayso Moscow ayaa Sheegayaa in Kaysar Maxamed Abdillahi si heersare ah ay wasaarada arimaha dibada ee dalkaasi ugu qaabishay madaarka Moscow, waxana wararku sheegayaan in uu halkaasi ku joogi doono mudo sadex cisho ah oo Marti qaad ah.

Dhanka kale ma cada ilaa hada in ay socdaalkani ka danbayso xukumadda Muuse Biixi Iyo inkale, waxana jiray warar horey u baxay oo sheegaayay in dawlada Ruushku ay aad u danaynayso in ay saldhig malatari ka samaysato magaalo xeebeedka Saylac ee ku yaala bogacad mihiim ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this