Sign in to follow this  
Deeq A.

DUQA MUQDISHO: Argagaxisadu marna kama dhuuman karto Ciidamada Ammaanka DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa uga mahadceliyey shacabka Caasimadda, gaar ahaan Degmada Warta-Nabadda sida ay gacanta uga geysanayaan sugidda ammaanka Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa xusay in caawa fiidkii ay Booliisku gacanta ku soo dhigeen shakhsi dhagar-qabe ah oo bam gacmeed tuuray, kadib markii ay shacabka degmadu gacan ku siiyeen Ciidamadda ammaanka.

Inj. Yarisow ayaa tilmaamay in kooxaha argagixisada ay meel walba uga dabatagayaan, maadaama ay bulshada Caasimaddu diyaar u tahay in kaalintooda ay ka qaataan cid walba oo carqaladeynaysa ammaanka.

“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Warta-Nabadda oo caawa fiidkii Booliiska farta ugu fiiqay shakhsi argagixiso ah oo bam gacmeed tuuray, kadibna gurigii uu galay looga dabategey ciidankuna ay gacanta ku soo dhigeen. Argagaxisadu ha ogaato in bulshadu go’aansatay meel in looga soo wadajeesto danbiile walba ”

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay bulshada ku nool Gobolka Banaadir sida ay had iyo jeer uga digtoon yihiin kooxaha caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waxuna ku dhiirigeliyey in ay sii wadaan kaalintooda ku aaddan sugidda amniga, bacdamaa aysan argagixisadu cid gaar ah beegsanayeen oo baneysteen dhigga ummadda Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post DUQA MUQDISHO: Argagaxisadu marna kama dhuuman karto Ciidamada Ammaanka DFS appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this