Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadeynta dadka loo haysto dilkii Axmed Dowlo oo ka billaabatay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa Maanta waxa ay bilowday Dhageysiga Dacwada Eedeeysanayaal loo heysto in ay ka dambeeyeen fal isugu jiray Dil iyo gubid loo geystay  Muwaadin Soomaaliyeed.

Falkaas oo Sanadkii  la soo dhaafay ee 2018 ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir,isla markaana loo geystay Marxuum Axmed Dowlo ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen 7 qof oo isugu jira  Rag iyo Dumar.

Saraakiisha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadka dilkaasi loo heysto ay yihiin todobo ruux oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaasoo bilihii u dambeeyay ku jiray gacan laamaha ammaanka, balse maanta la guda galay dhageysiga kiiskooda.

Fadhiga Maxkamadda Gobolka Banaadir ee Maanta ka bilaabatay Dhageysiga Dacwada Eedeeysanayaasha ayaa waxaa Guddoominayay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed,waxaana weli si rasmi ah loo shaacin xiliga la soo gabagabeen doono  Dhageysiga Kiiskaas.

Dilkaas ayaa hadal-heyntiisa waxa ay noqotay mid gaartay guud ahaan Soomaaliya,hayeeshee dhowr bil kadib ay istaagtay waxaana maanta Maxkamada Gobolka Banaadir u fariisatay dhageysigeeda.

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ku reer ah qoyska dilkaasi geystay ayaa sanadkii hore dhowr jeer isku dayay in qaab damaanad ahaan uga sii daayaan xabsiga todobada qof ee dambigaas u xiran, balse waxaa arrintaas ka hor istaagay hay’adaha Garsoorka dalka.

Maxruum Axmed dowlo ayaa 20-kii bishii September 2018 lagu dilay Garaash uu ku lahaa Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilkiisa ka dambeeyey Waalidiinta Gabar uu guursaday Wiil uu Adeer u yahay, iyada oo loo dilay sababo la xiriira heybsooc dhanka guurka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this