Sign in to follow this  
Deeq A.

Labo Askari oo lagu dilay magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Al Shabaab siyaabo kala duwan ay Askar ugu dileen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi.

War ka soo baxay Al Shabaab, laguna baahiyay barahooda Internet-ka ayaa lagu sheegay in weerar qorsheysan ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa magaca Askarigaasi ku sheegay Isxaaq Macalin Weyne, waxaana ay tilmaameen in ay horay uga qaateen qoray uu watay.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegay in dilka Askarigaasi kadib ay dagaal la galeen Ciidan Itoobiyaan ah oo gurmad u soo gaaray meesha ay wax ka dhaceen.

Weerar iyo dagaal toos ah oo dhexmaray labad dhinac ayey sheegeen in Ciidanka Itoobiya ay uga dileen hal Askari, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro illaa iyo hada wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Koonfur Galbeed oo ku aadan dilka Askartaasi.

Ammaanka Baydhabbo ayaa mudddooyinkii dambe ahaa mid dagan, waxaana howlgallo ka wada Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this