Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxii labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo warar hordhac ah oo laga helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadd Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay Qarax xooggan oo laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada.

Qaraxaan oo ahaa mid lagu xiray Gaari ayaa wuxuu ka dhacay Agagaarka Saldhigga Dagmada Waaberi oo ku yaal meel aan sidaas uga fogeyn isgoyska Dabka.

Qaraxa ayaa waxaa lagu xiray gaari, wuxuuna ka dhacay iridda hore ee Maqaayadda Barwaaqo oo u dhow Xarunta Saldhigga Waaberi.

Sida wararka hordhaca ah sheegayaan Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 7 qof illaa haddana lama sheegin dhimasho.

Sidoo kale xog lagama helin weli cidda leh gaariga Qaraxa lagu xiray iyo haddii ay khasaaro kasoo gaartay inkastoo qaraxa ahaa mid xooggan.

Qaraxaan ayaa noqonayo midkii labaad oo Maanta ka dhaco Magaalada Muqdisho, waxaana saacado ka hor Qarax ka badbaaday Taliyaha Nabadsugidda Galmudug oo gaarigiisa Qarax loogu xiray xilli uu marayey Shaqaalaha.

Wixii Warar ah ee kusoo kordha qaraxaan kala soco Caasimadda Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this