Sign in to follow this  
Deeq A.

Hirshabeelle Oo Dowladda Federaalka Ah Ku Eedeysay Qabyaalad, Eex iyo Tixgelin La’aan Arrimo Banii’aadnimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal ay soo saareen dowlad goboleedka Hirshabeelle, oo ay heshay Goobjoog News waxaa ku xusan in ay qaadaceen go’aan ka soo baxay wasaaradda gargaarka, gaar ahaan barnaamij la xiriira arrimaha banii’aadnimada.

Sida warqadda lagu qoray, maamul Hirshabeelle waxaa uu dowladda federaalka ah ku eedeeyey qabyaalad, eex iyo arrimo kale.

Haddaba Halkan Ka Akhriso:

Dawlad Goboleedka HirShabelle waxay uga qeyb gashay shirkaa si niyad wanaag ah, iyadoo daneeyneeysay in si cadaalad ah wax loogu qabto dhamaan dadka Soomaaliyeed ee abaaraha iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimo saameeyeen.

Waxaan isku daynay inaan si niyad sami ah u tilmaanno qaladaadka iyo caddaalad darada ku jirta barnaamijka lasoo bandhigay, wasaaradda Gargaarka ee heer Federaalkuna iska indhatirtay .

Abaaraha iyo dhibaatooyinka Bani’aadamnimo waxay saameeyeen dhamaan waddanka oo dhan waxaana loo baahan yahay in si caam ah loo wajaho. Waxaa nasiib darro ah in Wasaaradda Gargaarka ee heer Federaal soo badhigtay Barnaamij aan ku salaysneyn xaaladda dhabta ah ee bani’aadamnimo ee waddanka ka jirta. iyadoo soo bandhigtay Barnaamij lagu taakooraayo deggaano qaarkood sababao siyaasadeed iyo caadifad qabiil darteed.

Haddaba waxay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, cadaynaysaa in aysan la qaadanin go’aan Waxaan ugu baaqeeynaa Dowladda Federaalka ah in aan loo kala eexan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Waxan ugu baaqeeynaa Deeq bixiyeyaasha iyo dhamaan hay’adaha ka shaqeeya arimaha gargaarka inay masuul ka yihiin wixii cawaaqib xumo ah oo ka yimaada arrintaan, tixgeliyaanna mabda’a bani’aadamnimmo ee ah inaan dhibaato loo soo kordhin dad awelba tabaaleysanaa (DO NO HARM PRINCIPLE).

Waxaan ugu baaqeeynaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer HirShabelle inay u gargaaraan walaalahooda dhibaateysan, dhamaanna isku tashadaan si loo xaliyo dhibaatooyinka haysta.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this