Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka hadlay dilka Hoggaamiye Dhoqob

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (SMN) – Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday nawaaxiga tuulada Xiriiro ee Gobolka Bari lagu dilay Cabdixakiin Dhoqob oo ahaa Hoggaamiye ku xigeenkii Daacish ee Soomaaliya.

AFRICOM ayaa shaacisay in Dhoqob uu soo abaabuli jiray howlgallada iyo weerarada ay fuliso kooxdaasi.

Mareykanka ayaa sidoo kale ballan qaaday in uu sii kordhin doono weerarada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya.

Isniintii shalay ayey aheyd markii duqeyn cirka ah lala geegsaday gaari uu la socday Hoggaamiyahaasi oo marayay qeybo ka mid ah gobolka Bari ee Puntland.

Inta badan Daacish oo ku xoogan dhulka Buuraleyda ee gobolkaasi ayaa weeraro qorsheysan ka fulisa meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this