Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Ruushka oo kulan yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay maanta oo Isniin ah Magaalada Moscow dhiggiisa Ruushka Mudane Sergey Lavrov.

Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, sidoo kale waxa ay isla eegeen dhowr arrimood oo heer gobol iyo caalami ah.

Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu uga mahadnaqay Ruushka is garab taaggiisa Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga, isaga oo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka labada dal iyo taabagelinta heshiisyada wax wadaag ee heerarka kala duwan leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray duhurnimadii shalay Magaalada Moscow si uu uga qeybgalo Shirka heer Wasiir arrimo dibadeed ee meertada shanaad ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Carabta oo furmi doona maaanta oo Talaado ah (16 April 2019).

FB_IMG_1555345619479-681x454.jpg?resize=
FB_IMG_1555345617482-681x454.jpg?resize=

Puntland Post

The post Soomaaliya iyo Ruushka oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this