Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo lacago dheeraad ah ku soo rogay Shacab ku nool Degmo ay maamusho DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceelwaaq (Caasimada Online)-Maamulka Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay lacag dheeraad ah oo shacabka ku dhaqan degmada Ceelwaaq ay kusoo rogeen ururka Al Shabaab.

Ururka Al Shabaab ayaa lacagtaasi kusoo rogay ganacsatada ku nool degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, iyaga oo ka doonaya inay bixiyaan lacagta ay ugu magac dareen zakawaad.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq Sahal Macalin Cali oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in dhamaan ganacsatada deegaanka lagu soo rogay lacagahaasi, iyagana ay kasoo horjeedaan inay dadka deegaanka bixiyaan lacagaha Al Shabaab ay doonayaan.

Wuxuu sheegay in Al Shabaab tuulo kasta oo degmada hoostimaada kusoo rogeen inay bixiyaan dadka ku nool lacag gaareyso Labo kun oo doolar, haddii ay bixi waayaanna ay dhibaato la kulmi doonaan.

Iyaga oo taasi ka duulayo ayuu sheegay inay soo rogeen Bandow ay amaanka magaalada ku xaqiijinayaan, si looga hortago handadaad lagula kaco shacabka ku nool degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

“Amar waaye taasi oo ah lacagta intaasi la eg ayaad bixineysaan, hadii kale waa lagu dilayaa, amarkaana waa mid ay ku doonayaan in dadka shacabka ay handadaad kaga qaadaan lacagta, waxayna ka rabaan dhamaan tuulooyinka hoostaga degmada”

“Waxaa sidoo kale ay lacagta ka rabaan dhamaan goobaha ganacsiga, Tuulo kastaa waxay ka rabaan 2100 doolar (Labo kun iyo Boqol), arinta ayaa ka dartay markii qufulo waaweyn looga xertay dukaamadooda, laakiin anaga bandow ayaa soo rognay si amaanka loo xaqiijiyo.”ayuu yiri guddoomiye Sahal.

Al Shabaab ayaa inta badan lacago ka qaada shacabka ku nool magaalooyinka ay maamusho dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this