Sign in to follow this  
Deeq A.

DP World oo shaacisay caqabadaha ka heysta Balaarinta Dekadda Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Berbera (Caasimada Online)-Maamulka Shirkadda DP World ee gacanta ku haya dekadda Magaalada Berbera ayaa ka hadlay caqabado kusoo kordhay oo ka hor taagan balaarinta dekadda Berbera.

Madaxweynaha Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Berbera, isaga oo ka qeyb galayay musaanabado ka dhacay gudaha dekadda Berbera oo isbadal lagu sameeyay.

Maamulka Shirkadda DP World ayaa shaaciyay inay hadda hakiyeen dhismaha iyo balaarinta dekadda magaalada Berbera.

Arinta Hakinta ayaa ka dambeysay markii maamulka Shirkadda ay sheegeen in dhismaha ay sameynayeen uu gaaray kaydka Shidaalka dhuumaha Maraakiibta ka soo qaada ee Badda ku rakiban.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Berbera ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaaro shaqo joojinta shirkadda DP World, maadaama horey loogu heshiiyay in dekadda Berbera balaarin weyn lagu sameeyo.

Laakiin maamulka DP world ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in xal laga gaaro Keydka dhuumaha shidaalka oo hadda ay ku dhawaadeen intii ay wadeen balaarinta dekada magaalada Berbera.

Waxaa la filayaa in madaxweynuhu uu sahmin doono dhul kale oo dhuumaha Shidaalka loo raro maadaama uu maamulka Shirkaddu soo jeediyay in ay dhuumuhu aad ugu dhowyihiin halka la doonayay in lagu balaariyo Dekadda.

Tan iyo markii ay Shirkadda DP-World la wareegtay maamulka Dekedda Berbera ayaa waxaa taagnaa caqabada dhismaha Dekeddaasi kasoo wajahaya dhuumaha Shidaalka qaada, Muuse Biixi ayaana arintaasi kulamo kala yeeshay wax garadka iyo Ganacsada wax kala soo degta Dekedda Magaalada Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Berbera
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this