Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalyahano Ka Tirsan Kooxda Boko Xaram Oo La Dilay Iyo Hub Laga Qabsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nigeria)-Milliteriga Nigeria iyo kuwa dalka Kaamiruun ayaa la sheegay inay qadaeen hawlgal ay ku dileen 27 ka tirsan Maleeshiyadda Boko Xaram, oo ku sugnaa xuduudka ay wadaagaan labadaasi waddan.

HUB-LAGA-QABSADAY-BOKO-HARAM-8.jpg

Afhayeenka Milliteriga Nigeria, Sagir Musa ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen kaydad badan oo hub isugu jiray qoryo, Baasuukayaal, rasaas, Miinooyinka, Qoryaha Lidka Diyaaradaha, Mootooyin iyo Gaadiidka Teknikadda oo ay lahaayeen Maleeshiyadaasi.

Waxa uu sheegay inay hawlgallada lagu dilay 27-ka ka tirsan Maleeshiyadaasi ay ka dhaceen qeybo ka mid Tuullooyinka Wulgo, Tumbuma, Jikun Gudu iyo Bukur Maryan oo dhamaantooda ku yaalla xuduudka dhinaca Nigeria.

Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu xusay in Ciiddamo Isku-dhaf ah oo ka kala socda dalalka Nigeria, Benin, Jaad, Kaamiruun iyo Nayjar ay hawlgal xiriir ah ka wadaan Deegaanadda isku xira Gombaru iyo Nigaala iyo deegaanadda ku hareeraysan oo ay u baxsadeen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Boko Xaraam.

Bishii la soo dhaafay ee Maarso, in ka badan 100 dagalyahanada Kooxdaasi ayaa lagu dilay hawlgalo wadajir ah oo laga fuliyey xuduudaha ku dhereran dalka Nigeria.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this