Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Sheegtay In Uu Fuliyey Duqeyntii Lagu Dilay Ku-Xigeenkii Ururka Daacish-ta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Taliska ciidammada Maraykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiyay in diyaaradahooda dagaalku ay duqayn ku dileen ku-xigeenkii guddoomiyaha ururka Daacish ee ka dagaalama Buurlayda Gobolka Bari ee Puntland.

57578658_10161599177315627_6234981260276

Maraykanku wuxuu sheegay in duqayntu ka dhacday tuulada xidhiidho ee gobolka bari 14kii April. kaasi oo lagu dilay Cabdixakiim Dhuqub oo ururka Daacish u qaabilsan howlgalada, qorshaynta weerarada, dhaqaalaha iyo loojistikada

War-saxafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Maraykanku oo kaashanaya dowladda Federaalka ay sii wadayaan dadaalada xididada loogu siibayo waxa ay ugu yeereen kooxaha mayalka adag.

“” Waxaan sii wadaynaa inaan la shaqayno saaxibadayada Soomaalida si loo sii xoojiyo cadaadiska lagu hayo kooxaha Alshabaab iyo Daacish” Sidaas waxaa yiri Maj General Gregg Olson oo ah Madaxa howlgalada ee taliska milateriga Africom.

” Ma jirto dad shacab ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqayntaas” ayaa lagu yidhi war-saxafadeedka

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay Dilka Sarkaalka Daacish/ISIS ayaa sheegtay in Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda Maraykanka lagu dilay horjooge ka tirsan Daacish.

Sidoo kale waxaa ka hadlay dilka Sarkaalkaasi, Wasiirka amniga Puntland C/samad Galan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this