Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Yuhuudda Oo Toogasho Ku Dilay Nin Falastiini Oo Aan Hubeysnayn

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Falastiin)-Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Falastiin ayaa xaqiijiyey inay Ciiddanka Yuhuudda xalay toogteen Nin Flaastiin oo ku sugnaa meel ku dhow magaalladda Baytu-laxam ee Koonfurta Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.

ASKRTA-YUHUUDDA.jpg

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jirey Axmed Jamaal Maxamuud oo 26-jir ayaa la sheegay inuu ku dhex jiray gaarigiisa, kadib, markii ay Askarta Yuhuudda ku toogteen Jid-gooyo ay dhigteen waddada laga galo magaalladda Baytu-laxam.

Toogashadaasi waxaa kaloo si xun loogu dhaawacay Nin kale oo Falastiini oo gaariga la saarnaa Marxuumka la dilay.

Marxuumka lagu dilay Toogashadaasi ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday

Isbitaalka Bayt-jala, waana Marxuumkii 4-aad ee ay Askarta Yuhuudda dilaan labadi imaalmood ee la soo dhaafay.

Habeenkii Talaadada waxay Askarta Yuhuudda siyaabo kala duwan toogasho ugu dileen 3 Dhallinyaro Falastiiniyiin ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this