Sign in to follow this  
Deeq A.

Garsoorayaal Soomaaliyeed Oo Kasoo Muuqday Is Reeb Reebka Afcon U-23

Recommended Posts

Deeq A.   
Afar ka mid ah garsoorayaasha heerka caalami ee kubbadda cagta Soomaaliya ayaa dhex dhexaadiyay kulan ciyaareed ka tirsanaa is reeb reebka koobka is reeb reebka ciyaaraha African Cup of Nation 2019.
Garsoorayaasha waxa ay kala ahaayeen Cumar Cabdiqaadir Cartan,Axmed Cabdullahi Faraax Baroodo,Mahad Maxamed Maxamuud iyo Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali)
Sequence-01.00_00_03_03.Still001-1-300x2
Garsoorayaasha dalkeena ayaa dhex dhexaadiyay kulan magaalada Juba ee Koonfur Sudan ku dhaxmaray wadamada South Sudan iyo Tunisia waxayna ciyaartaas kusoo dhamaatay 0-0.

20180104-south_sudan_independence_2-pub-

Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa ahaa garsooraha Dhexda,Calanhayaha 1-aad waxa uu ahaa Axmed Cabdullahi Faarax (Baroodo),Calanhayaha 2-aad Mahad Maxamed Maxamuud,halka garsooraha keydka uu ahaa Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali).
aa-300x217.jpg
Garsoorayaasha kala ah Cumar Cabdiqaadir Cartan iyo Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali) ayaa liiska heerka FIFA iyo CAF usoo gudbay bishii Janaayo 2018,balse bilooyinkii lasoo dhaafay waxa ay ciyaaro kala duwan kusoo dhex dhexaadiyeen wadamada Bariga iyo Bartamaha Afrika.
54434113_575147002965042_763590848309048
“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waxa uu waqti ku bixiyaa horomarinta iyo aqoonta waxaada garsoorka kuwa gudaha iyo heerka caalamiga yoolkeena waa in aan xoojinaa in Soomaaliya ay u soo hooyaan dhibco aad u sareeya”waxaa Goobjoog Sports ugu warmaya Guddomiyahay gudiga Garsoorka Soomaaliya Xasan Wiish Hagi Yabarow.
40397920_2136604586587428_64587300511678
Soomaaliya ayaa si weyn loogu amaanaa doorka garsoorka iyagoo markaste kullamada kusoo dhex dhexaadiya qaarada Afrika dhibco iyo guul muhiim ah kasoo hooya.
Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this