Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland gaaray tuulada Ceelcad ee gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland oo xalay ka baxay degmada Badhan ayaa saaka gaaray tuulada Ceelcad oo dhanka bari ka xigta degmada Yubbe gobolkaas sida ay soo sheegayan dadka degaanka.

Degmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan Somaliland oo laga keenay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka.

Ciidamada Somaliland ayaa todobaadkii hore halkaasi gaaray iyagoo sheegay in ay ka hortagayan weerarro uga yimaada jabhadda Col. Caarre ee la’dagaallanta Somaliland oo saldhigyo ku leh magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Ha’yeeshee tallabada Somaliland waxaa ka abuurantay xiisad u dhexaysa labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland oo ku muransan degaanno ka tirsan gobolkaasi.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland gaaray tuulada Ceelcad ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this