Sign in to follow this  
Deeq A.

“Ma Jiro Wakhti Cayiman Oo Loo Qorsheeyay Wada-Hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya…” Wasiir Faratoon

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa ka gaabsaday in uu sheego wakhti cayiman oo la qabanayo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo in uu jiro waddan cayiman oo ay ka qabsoomi doonaan.

wasiir-faratoon.png

“Ma jiro wakhti cayiman oo wada-hadallada (Somaliland iyo Soomaaliya) loo qorsheeyay,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon oo wargeyska Geeska Afrika arrintan wax ka waydiiyay.

Hase ahaatee 13-kii bishan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo la hadlayay jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka ayaa sheegay in caasimadda Gaana ee Accra lagu qabanayo wada hadallo Somaliland iyo Somalia ah oo Turkigu hoggaaminayo.

“hadda cisho dhawayd waxa yimid Turkiga waxaan ku idhi kaliga ku aqbali mayne caalamka kale hana soo dhex galo wuu aqbalay warqad buu soo celiyay hadda Ingiriiska, Maraykanka, Midawga Yurub, Sweden intaba waxa uu ka codsaday in la isugu yimaaddo 19-ka bishan Gaana (Accra) si loo sameeyo guddi caalami ah oo Somaliland iyo Somalia kala dhex gasha waxaana hubaal ah in Xamar iyo inta la joogtaba ka dagaallamayaan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this