Sign in to follow this  
Deeq A.

New Zealand oo mar kale maanta uu ka dhacay kala carar kaddib weerarkii lagu laayey muslimiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Dunedin (Caasimadda Online) – Wadanka New Zealand ayaa ku jira xaalad adag kadib markii muslimiin badan lagu laayay laba masaajid oo ay ku gudanayeen waajibaadkooda diiniga ah, waxeyna dhacdadaan noqotay mid aad looga hadal hayo dunida sidoo kalana saameyn la taaban karo ka dhalisay gudaha wadankaas.

Muslimiin badan ayaa ka carooday falkii dhacay kuwaas oo dareen ahaan aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa iney dhacaan falal kale oo dhacdadaas foosha xun looga jawaabayo, inkastoo kadib wixii dhacay si qurux badan loola macaamilay.

Maanta waxaa laga soo sheegayaa magaalada Dunedin ee isla wadankaasi in garoon diyaaradeed lagu kala cararay kadib markii la helay bashqad weyn oo la garan waayay waxa ku jira, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli la filan karo falal aargoosi diimeed ah.

Booliiska waxey ku guuleysteen iney guud ahaan dadka ka saaraan garoonka diyaaradaha, sidoo kalana ay ku hawlan yahiin iney ogaadaan waxa ku jira bashqadda iyagoo gacan ka helaya koxaha baarayaasha ee arrimahaan la tacaala.

DunedinAirportTerminalWikimediaCommons11

Sababo dhanka amaanka ah darteed waxaa la hakiyay duulimaadyo badan oo maanta ka fuli lahaa garoonkaas, waxaana arrintaan ay kusoo aadeysaa iyadoo dadka wadankaas ay yahiin kuwa feejigan oo mar walba xusuusan wixii dhacay maalmahii lasoo dhaafay.

Tiro dhan 50-qofood ayaa lagu laayay weerarkii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay laba masaajid oo ku yalla magaalada Kirisjarj (Christchurch) sidoo kalana in ka badan tiradaas ayey waxyeello kala duwan kasoo gaartay.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this