Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari Soomaali oo dacwo ka ah FARMAAJO oo farriin qiiro leh u diraya Geelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Soomaaliya ayaa wajahaya dhibaatooyin daran oo dhinaca nolosha ah, waxaana isa soo taraya qayla dhaanta ciidamada ka soo baxayso.

Waxaan idinla wadaagayna fariin ka timid askari ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Shabeelaha Hoose, oo codsaday in magaciisa la qariyo, si aan shaqada looga eryin ama aan loo xirin. Hoos ka aqriso farriintiisa.

In ka badan 10 sano ayaa ka tirsanahay Ciidamada Qaranka, waxaana dagaalka Al-Shabaab ka billaabay dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya hadana waxaan ku suganahay duleedka degmada Wanla-Wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Dagaaladii lala galay Al-Shabaab waxaan ku waayay xubno jirkayga kamid ah, saaxiibo qaali igu ah oo qaar dhinteen qaarna ku naafoobay, walina ma joojin gumaca iyo rasaasta ilaa aan ka dhinto ama dadkaygu nagaadaan waan sii wadayaa dagaalka.

Dowlad kasta oo dhalata waxaan naawilaa in lagaari doono maalin Askariga Soomaaliyeed qiimo leeyahay, la sharfo lana mid noqda shaqaalaha kale ee dowladda. Wali rajadayda ma helin balse Madaxweyne Farmaajo waxa uu ahaa qofka kaliya ee aan rajadaas ka qabay.

Qoriga uma qaadan badbaadada naftayda ee waxaan u qaatay badbaadinta dadka Soomaaliyeed iyo dalka uma qaadan Al-Shabaab oo kaliya ee waxaan u qaatay cadow kasta balse maanta dacwo ayaan ahay.

Ma helo mushaar, Gunno, Garaam iyo daryeel midna waxaysa aheyd xaalad aan ku qanacsanaa maadaama dalkayga dowlad xoog leh ka jirin balse waxaa intaas oo dhan iiga daran oo aan dacwo ka ahay dowladayda oo Al-Shabaab iiga darnaatay.

Aniga oo aan helin inta aan soo sheegay ee Xuquuq ah ayey dowladayda sheegtaa in ay isiisay. Waa iga been abuurataa aniga iyo rag kale oo badan kana tirsan ciidamada qaranka Soomaaliya.

Sidaas darteed waxaan idinka codsanayaa in Madaxweynaha Jabuuti noo kala garqaado annaga oo ah Ciidamada Qaranka iyo hogaanka dowladda ee naga been sheegay maadaama uu Madaxweynaha Jabuuti yahay oday Soomaaliyeed oo marti noo ah.

Hogaanka Dowlada Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre waxay nagu diraan Xaasaskayna iyo Goobaha Ganacsi ee aan biilka carruurta deenta uga qaadno, waxay nagu diraan dugsiyada iyo Iskuulada caruurta noo dhigtaan ee hanagala qabto sababtoo ah lacag aysan na siinin ayey sheegaan in ay nasiiyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this