Sign in to follow this  
Deeq A.

Shilalka Gaadiidka Iyo Waxyaabaha Sababta U Ah Qaddarka Ilaahay Ka Sokow

Recommended Posts

Deeq A.   
  1. Haadka aynu marno oo gebi ahaanba ah mid khaldan
  2. Bacda madow oo darawalka cidhiidhi gelisa iyadoo hadda la marayo in xataa muraayadda hore lagu dhajisto.
6CBAB778-5780-4D99-A409-0E9D596B32A0.jpe
  1. Waddooyinkeena oo aad u dhuudhuuban dhanka ballaca
  2. Waddooyinkeen oo aad u burbursan oo wada godad ah
  3. Masuuliyadda wadayaasha baabuurta oo aad innoogu yar
  4. Sharciyada nabadgelyada waddooyinka oo ah kuwo aad jilicsan
    Ku dhawaad 30 oo aynu dawlad nahay wax la taaban karo kamaynaan qaban arrimaha shilalka gaadiidka, sannad kastana kumanaan qof ayay galaaftaan shilalku, mana muuqato rajo wax ka qabasho, maadaama aanay ganaax iyo ciqaab culus ka baqaynin wadayaasha gaadiidku waa kuwo u socda si xilkasnimo darri ah gudaha magaalooyinka iyo dibaddaba, intaa waxa raacda wali baabuurteenu aad bay u koobanyihiin marka loo eego dalalka jaarka ah, haddii qorshexumidu sidan u sii socoto mushkiladduna way sii koraysaa uun, naf baxaysa lama joojin karo oo saacaddeeda ma dhaafayso , laakiin haddii aan arrimaha kor ku xusan wax la iska waydiin maalin kasta mayd ayaynu sii sidi doonnaa iyo tacsi is daba joog ah,
    Yuusuf Cabdi Maxamed

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this