Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshe Ka Dhan Ah Madaxweyne Farmaajo Oo Ay Abaabulayaan Beelaha Hawiye

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan, Maxamed Xasan Xaad ayaa beeniyey warar dhowaanahan aad looga hadal hayey magaalada Muqdisho, oo ku saabsanaa inuu ka hor-yimid dowladda.

xaad.jpg

Wararkan ayaa waxa ay sheegayeen in Xaad uu diyaarinayey kulan weyn oo ay isugu yimaadeen beelaha Mogadishu Clan, loogana soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararkaas ayaa sii xoogeystay intii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku maqnaa magaalada Kismaayo, ayna jireen warar sheegaya khilaaf madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha u dhaxeeya. Xaad ayaa waxa ay isku beel yihiin ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba, Guddoomiyaha Golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan, Maxamed Xasan Xaad, ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin inuu ka hor-yimid dowladda, kana hor-iman doonin.

Nabadoonka ayaa sheegay in wararkaasi ay baahiyeen dad dano gaar ah leh, kuwaasi oo uu ku tartarsiiyay in ay ka waan-toobaan, isla markaana ay ka qayb-qaataan dib u dhiska wadanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this