Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo baaq u diray beelaha ku dagaalamaya Sh/ Dhexe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadale (SMN) – Ismaaciil Macalin Muuse guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo xoogan oo saacadiihii la soo dhaafay dib uga qarxay agagaarka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka labada dhinac ay si deg-deg ah ku joojiyaan dagaalladaasi.

Sidoo kalena wax weliba ay ku dhameeyaan wadahadal iyo deganaan, si looga baaqsado in mar kale dhiig uu ku daato halkaasi.

Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo hadalkiisa sii waata ayaa shaaca ka qaaday in colaada ka taagan nawaaxiga degmada Cadale ay soo jiitameysay muddo fog,  loona baahan yahay in xiisadaasi laga gaaro xal waara.

Ku dhawaad 10 Qof ayaa ku dhimatay, halka in badan 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Sh/ Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this