Sign in to follow this  
Deeq A.

Baasto “Isbedal laguma sameyn karo Dastuurka Galmudug”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Kadib shir Jaraa’id oo maanta si wada jir ah ugu qabteen M/Muqdisho madaxweynaha Galmudug Axmed Maxamuud Xasan (Axmed Baasto) iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Cali Gacal Casir ayaa waxa ay si wada jir ah uga soo horjeesteen go’aanka ka soo yeeray madaxa xukuumadda dowlad goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ee ku aadanaa in ay isbedel ku sameeyeen Dastuurka maamulkaasi.

Madaxweyne Axmed Baasto ayaa hoosta ka xariiqay in aysan jirin labo maamul oo la mideeyay, balse Galmudug ay tahay hal maamul , islamarkaana Dastuurka lagu shaqeynayo uu yahay kii horay loogu heshiiyay.

Dhinaca kale Axmed Baasto ayaa ka soo horjeestay heshiiskii horay Jabuuti loogu mideeyay maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Shalay ayey ahayd markii madaxa xukuumadda Galmudug uu ku dhawaaqay in aysan jirin wax doorasho ah oo lagu qabanayo deegaanada Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this