Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland Oo Ku Dhawaaqay In Uu Dhamaaday Khilaafkii Kala Dhexeeyay Dowladda

Recommended Posts

Kismaayo (SMN)- Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmad Maxamed Ilsaam Madoob ayaa faahfaahin  ka bixiyay heshiis Magaalada Kismaayo ku dhexmaray isaga iyo ra’iisal wasaaraha xukuumdda Soomaaliya)Xasan Cali Kheyre.

Axmed  Madoobe  ayaa Shaaca ka qaaday in safarkii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee Magaalada Kismaayo in lagu dhameeyay khilaafkii u dhexeeyey dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland,waxaana uu carabka ku adkeeyay in ay Muhiim tahay in labada dhinaca  ay abuuraan kalsooni shacab iyo mid dowladeed.

Khilaafkaan  siyaasadeed ee haatan u muuqdo in xal laga gaaray ayaa waxaa uu ka dhashay kadib markii 6dii bishii, 2017  kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada ee dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqeen in muranka khaliijka ay dhexdhexaad ka yihiin,Maadaamada  saddex dal oo ka mid ah dalalka ku bahoobay Khaliijka Carabta ay markaasi xiriirkii diblamaasiyadeed u jareen dalka Qadar, balse go’aankaas ma noqon mid ay ku qanceen maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, kuwaas oo  badankood si iskood ah u sheegay in ay la safteen Sucuudiga, xiriirkana u jareen dowladda Qadar.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this