Suldaanka

Puntland's Chairman of Parliament "We fear that Col. Caare will make it easy for Somaliland to take over East Sanaag

Recommended Posts

gooni   

Xniinyo waaba laguu ogolyahay maxaad ku fulaysaa kuwo siyaadaa?

Snm waxaa u shaqaynaya rag kasoo jeeda gobolada laysku hayo mushaarkoodiina qaatay qaadkoodiina soo duubtay.

Halka puntland, ay qol isaga xaraysan yihiin 5 sano ka dibna ay doortaan cumar iyo ciise kii doorka leh, fitnana looma ogola inay soo hadal qaadaan.

Puntland waa laga yaabaa inay federaalka dhexe dacalka ku dhegto ama ay ku soofayso maamulada kale balse u malayn maayo inay snm dhul ka ceshanayso.

Mida kale reer gedo waxba ugama baahna berigii qabiilaysiga waa laga gudbay

Maal iyo dad ku filana waa haystaan waxa is hayaan oo qarranka isaga dhigayana waa jufo yar iyo badhkii caare ka haray.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
1 hour ago, gooni said:

Snm waxaa u shaqaynaya rag kasoo jeeda gobolada laysku hayo mushaarkoodiina qaatay qaadkoodiina soo duubtay.

Caqliga fadhidka ah waa kaa. Ragga aad sheegtay, goboladoodi ayay joogaan oo seexdaan oo u shaqeeyaan. Kuwa Garowe jooga ee aan cag soo dhigi karin, kuwaa ayaa runtii ah Hindi shaqo tagtay. 

Laakin nin gurigiisi ka soo toosaya, oo dadkiisi u shaqaynaya, ninka waa nin ragga.

Adhiga berbera laga dhoofiyo ee Berberaawi Blackheads la yidha inta aan markabka la saarin shaanbad "Berberaawi" la yidha ayaa badhida wayn lagaga dhuftaa (Brand name). 

Ninkasta oo Garowe yimiaada shaanbad ayaa badhida lagaga dhuftaa, laga soo bilaabo Col. Cabdilaahi Yusuf ilaa Dr. Gaas.

Mid walba badhida dhulkii laga qabsaday shaambad la magac ah ayaa kaga taal. 

Madaxweyne Deni waa "taako ayaa hadhoo waa tukubayaa".

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Awoowayaal

Anigoo isu haysta qabiili laandheera ah sidiinoo kale yaan ku dhex aroosay gabar qurux badan hadda ka hor 

Dhawr beri guduhoodna ina adeerkaa labaad yaa nin jufadiina ah dilay baa laygu yiri ee is ilaali.!!

Ma nin qalbigiisa baqdin la geliyay baa aqal dhexdiis malab ugu dhadhamayaa?

Maalinkaas yaan ogaaday inaysan waxaad tirinayso faa'iido lahayn iyo qabiilaysi haduu dhaafo sidii alle u asteeyayna waxaana laga dhaxlaa cawaaqib xumo.

Hadaad aragto beel tashatayna waa laangaab, dhaqanka soomaalida, meelna gaari mayso ayagaa is dulmaya iskana hor iyo dabalaaban doona beri ama maanta.

laandheeraha runtaa wuxuu ku qancaa soomaalinimo iyo dawladnimo.

Usoo noqo mowduuca

Haddii ajandaha snm aysan yuhuudu ka dambayn oo aad midnimada soomaaliyeed ogashihiin reer sool iyo sanaag waa laydinku dari karaa dhaqan iyo dhaqaalana waad wadaagtaan.

Balse adinkoo beel ahaan u tashaday ajandihiinuna fog yahay shacabkaas iyo goboladaas lama tuuri karo waa arinta dhabtaa oo ah in la wajaho.

Suldaan

Saxiib waan kuu sheegay snm waxa ay isticmaalayso waa qisadii wiil waal oo ahayd cadka rag isku raaco waa hunguri

Maamulka puntland haduu u taliyo gobolada laysku hayo wax ceeba kuma jirto narna soomaalinimo bay ogol yihiin marna waa isir-wadaagood.

Shaabadda aad sheegayso oo aad wanka ku dhufataan waxaad arki lahayd markaad si fiican u fiiriso nimanka u shaqeeya snm oo hargaysa jooga.

Kuwa garoowe, shaqada loo igmaday waa inay kala doortaan ilmo saleebaan markii shan sano dhamaato, lakiin hoos fiirin maayaan sida kuwa hargaysa oo laysugu daray kursi gaaban in la fariisiyo iyo shaqo aad faro badan oo ay ugu horayso inay dhexdooda dhiig iska daadiyaan si loo sugo xuduudka snm.

Share this post


Link to post
Share on other sites

@gooni

Waxa ii muuqata in aanad wax badan taariikhda dhulka kala socon. Hadii aad kala socotidna tahay tii Afwayne macmalay, sal iyo raad toona lahayn. Manhajka ardayda Somaliland ee min Badhan, Laascaanod ilaa Saylac school loogu dhigo ayaa dib loogu saxayaa taariikhdii gacan ku rimiska ahayd ee Afwayne. 

Taariikhda runta ah hadaan wax yar kaaga sheego, dhulkaa horta la iskuma haysto. Dhulkaa xuduud ayay leeyihin iska dadka ee xooluhu ogyahay. 

Xuduudka waxa kale oo dheer soo jireenka dhaqan dhaqaale, horaa loo yidhi Oodi ab ka dhaw. 

Taariikhda hadii aad dib u raacdo, ma dhicin mana jirto xili (goor) beesha MJteen u talisay beesha Sool/Sanaag. Biyo iyo saliid hadii aad isku dhex walaaqdid, aakhir waa kuwii  kala baxa. 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Suldaan

Siyaad barre taariikh beena ma qorin waligiis.

Wuxuu qoray taariikhdii daraawiishta oo sax ah iyo halgankii xoriyadda soomaaliyeed.

Taariikhda snm lowyo caddo ilaa sool ka dhigto maxay ka hadlaysaa walaalo, ama ku saabsantahay?

Tii ingiriiska dhulka looga xoraynayay beesha dhexe badankeedu maysan ogolayn xoriyad, waana tan keenaysa in ilaa maanta laga hor dhaqaajin waayo xafiiska boqoradda.

Odweyne

Saxiib xaqiiqda jirta layskama indho tiro, markii dalka dawladiisu dhacday taariikhda xoriyadda snm lagamasoo bilaabi karo.

Aduunka aad aqoonsiga ka doonayso asagaa macluumaadka kaydsada wuuna naga badiyaa arimaheena gudaha

Burburkii ka dib, dalkoo dhan wuxuu isu badelay beelo, ayadoo loo arkay xalka koowaad in beel walbaa degaanka ay kasoo jeedo ku ekaato, inta roob alle keenayo.

Beelihii mid ka mida yaa qarran isu badeshayna wax soconaya ma'ahan.

Talo ahaana waxaan soo jeedin lahaa in wiilashaa tuutaha loo xiray aan hooyooyinkood laga fogayn xuduud ingiriisna lagu layn

Eraygan (D,ir) waa igu cusub yahay xaqiiqdii, inta aqoontaydaana waa beel yar oo aad u facweyn.

Waxaa jiray berigii dawladihii musuqmaasuqa in cigaal buste ama go' looga dhigay si wax wada qaybsiga qabiilada laysugu dheeli tiro.

Balse qaabka dhalashada meelna kamasoo gasho

Hadaysan  awr kacsi ahayn, siiba markii la wajahayo beelo kale taas wax beena kama sheegin waa sida saxdaa.

Reer jabuuti, reer berbara, reer awdal, reer xeraale, afartaa wiil isku oday baa dhalay aan gabaru u dhaxayn waiigeed lama maqal taariikhda qabiilada soomaalida wax jirana ma'ahan.

Tan yuhuudda deelqaaf ma'ahan cidna uma gefin

Sida saxdaa yuhuudu waa cadawga ilaahay iyo intii rumaysayba, mana daynayso dal yar oo muslina meel istaraatiijiya ku yaal isla markaana baylahan ama dayacan ilaa fircoon somaalida kama aysan dhex bixin, balse qofka caadiga ah ma dareemi karo

Erayga FIR iyo COON waa afsoomali

Wax qarsoon ma'ahan inay snm la fal gashay dhaqan ahaana way ka muuqataa markaad fiiriso taalooyinka cuqdada taariikhda beentaa oo hadba boodhka laga jafayo iwm.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Odweyne

Saxiib lagama yaabo inaan beel u gefo soomaaliyeed ama dad muslina aan yuhuud ku sheego

Khalad ha fahmin Soomaalidoo dhan ama waa rixim ama waa casabo wax u kala saaran aysan jirin 

Waxaan ka hadlayo waa khidada yuhuudu siday noola fal gashay oo ay ugu horayso wadajirka umadda ayadoo ka bilawday snm.

Waxaa jira su'aalo faro badan oo aad kaligaa is waydiin karto adigoon ii jawaabin qof kalana u jawaabin

Aduunku wuxuu si fiican isu badelay dhacdadii lagu dumiyay dhismihii maraykanka, qof yuhuuda uma shaqo tagin subaxaas!!.

Haday ogaayeen in dhacdadaasu dhacayso maxay uga digi waayeen muslin iyo gaalba?

Waa su'aalaha khuseeya caalamka kale soomaalidu shaqo kuma lahan.

Waqooyiga soomaaliya waxaa ka jira maamul ka daciifsan kuwa koonfurta kana balwado iyo qaadiro badan

Maxay kayd uga dhigteen xagjirku ayadoo waliba lagusoo dhaweeyay yuhuudda kuwooda ugu dhaqanka xun?!

Ma lagu qanci karaa shacabka iyo ciidankaa isku duuban darteed, yaa ka hor istaagay qof doonaya inuu is dilo kumana dhex dhuuman karo?

Dhib lama jecli ilaahayna uma keeno shacabka waqooyiga, balse khidadka meesha ku jirta yaa ah inay dab iyo biyo isku hayaan.

Weligaa ma maqashay in dawlad carbeed isku dayday ama xoogga saarto inay iibsato qudus guryihii u haray reer falastiin? Si ay udayac tirto ugana dhisaan dhul qurxoon oo lagu raaxaysto?

Baaritaan qoto dheer ku samee ajandaha snm iyo cidii ka dambaysay asaaskeedii adigoo adeegsanaya inta yar oo kaaga hartay maskaxda kaa sii guuraysa.

Midna haka yaabin weligaa sida alle noo sheegay inay raali kaa noqdaan si kastoo aad u dhunkato ama u jeclaato ilaa aad ka mid noqoto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Awoowe garaadka qofku asagoon markiisii horaba fiicnayn hadii aqoon aan geli kari lagu shubo, waalli buu ka qaadaa.

Aduunka waxaan ugu jeclahay shakhsiyan inaan arko nin reer waqooyi ah oo wadani ah oo u taliya soomaaliyoo dhan si farqiga iyo cuqdaduba nooga baxdo dal iyo dad isku mid ahna la helo,waadna soo aragtay qiimaha ay lahayd berigaad jaamacadii lafoole u kalihi jirtay.

Soo siyaad barre ma dhiman waa hore hadiiba uu dhib jiray  sidaad sheegateen?

Markaad aragto odoyaal godkii talaabo u jira ama ka yarba, oo ku doodaya cadawgeenii baa halka soo fadhiya, cadawgeena meel aan ugasoo wadajeesno, cadawgeenu wuu nagu farxayaa, cadawgeenu qaranimo uma ogola beesheena, dhaqaqankaas iyo dhaqaale wada socda oo dadka lagu kala fogeeynayo yuhuudaa iska leh wax soomasli shaqo ku leedahay ma'ahan.

Yaa cadaw u ah waqooyiga bal is waydii inta keligaa meel qabaw fariisatay? hadaad qayishana dhawr laamood soo qaado ha iska badin si aadan isugu dhex yaacin

Awoowe dadka waan kala aqaan intii igu fillan, shacabka soomaalida waxaa ugu qalbi fiican uguna daacadsan reer jabuuti darajada labaadna waxaa gelin lahaa waqooyiga.

Tan sedexaad inteena kale aan isku qabsano

Hadii aqoonsigii la waayay mashruuca jacayl iyo midnimo maad ku bedashaan intaad abuur cusub talaviv u dooni lahaydeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somebody tell the Col. Caare to go back home or go far away maybe Mogadishu.

The sands are shifting around Kililka, Somaliand, Puntland and Djibouti.

I have heard from reliable folks that Puntland and Somaliland are discussing something strategic. Col. Caare is just too small to figure in what they are talking about. What they are talking about is so big and so important, let alone him something a lot bigger than him can be railroaded.

If what I am hearing comes to results, Somaliland and Puntland will permanently shelf any military plan they had between them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.