Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo sharraxay dhameynta khilaafkii Dowladda Somalia iyo Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inuu horay u jiray mad-madow soo kala dhexgalay DF Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, balse tan iyo wixii ka dambeeyay xafladii Garoowe uu socday wadahadalo lagu xalinaayay.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in safarkii RW Somalia uu Kismaayo ku tagay lagu dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyey Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, isla markaana wax walba si hoose xal looga gaaray.

Sidoo kale, Dhawaan ayuu sheegay Axmed Madoobe inuu Muqdisho imaan si uu kulan ula qaato Madaxweynaha Somalia, Maxamed c/llaahi Farmaajo, isla markaana ka wada-hadlaan dhameystirka iyo xalinta mad madowgii ka dhex jiray Dowladda Federaalka Somalia iyo maamulka Jubbaland.

“Waxaan garawsaday in Madaxweyne Farmaajo aan fadhigiisa ugu tago oo aan la hadalno, mar walba annaga ayaa Dowladda wadahadal ugu baaqi jiray, balse waxaa muhiim ah in la abuuro kalsooni shacab iyo mid dowladeed. Kulankii aan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Somalia waxaan ku heshiinay in qodob-qodob loo dhameeyo khilaafkii jiray,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhanka kale, Safarkii uu Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali kheyre ku tagay Kismaayo dad u badan siyaasiyiin ayaa siyaabo kala duwan u fasirtay, kuwaasoo qaarkood sheegayay in RW Khayre uu wado olole siyaasadeed, halka qaarkood ay ka dalbadeen inuu cadeeyo mowqifka dowladda Somalia ee doorashada dhawaan ka dhacaysa Jubbaland.

Ugu dambeyn, RW Somaila oo booqashadiisa uu gadaal uga biiray Taliye ku xigeenka nabad-sugidda Somalia, Fahad Yaasiin Xaaji Aadan ayaa si nabad ah kusoo dhamaatay, waxaana la dhawrayaa safarrada kale ee midkaan xigi doona.

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/03/Axmed_Madoobe_DHAGEYSO.mp3

PUNTLAND POST

The post Axmed Madoobe oo sharraxay dhameynta khilaafkii Dowladda Somalia iyo Jubbaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this