Sign in to follow this  
Deeq A.

Muslimiin fara badan oo lagu Laayay Weerar lagu qaaday Masjido ku yaalla New Zealand

Recommended Posts

Deeq A.   
Muslimiin-lagu-dilay-NZ.jpg?w=1000&ssl=1

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 40-qof oo Maanta salaaddii Jimcaha ku Tukanayay masjiddo ku dalka New Zealand ayaa lagu dilay toogasho, iyadoo weerarkaas lagu dhaawacay tiro kale oo dad ah.

Nin hubeysna ayaa rasaas ku furay muslimiin ku ukanayay masaajiddo ku ku yaalla NZ, iyadoo qaarkood ay sheegeen inay cagahooda uga baxsadeen rasaasta uu furayay ninka hubeysan.

Warbaahinta dalka Australia ayaa waxay baahinaysaa in weerarkaas uu ahaa mid argagaxiso ah, iyadoo RW dalkaas ay sheegtay in afartan qof la dilay, lana dhaawacay tiro kale, kuwaasoo la dhigay isbitaallada si looga daweeyo dhaawacyada soo gaaray.

Masjidka khasaaraha ugu badan ay ka dhasheen ayaa lagu magacaabaa Al-Nuur, wuxuuna ku yaalla artamaha magaalada Christchurch, iyadoo weerarkan noqonayo midkii ugu horreeyay oo muslimiinta New Zealand loogu geysto khasaare intaan le’eg.

“Qofka weerarka naxdinta leh geystay wuxuu watay qori weyn oo kuwa daran-doorriga u dhaca ah, wuxuuna rasaas ku furay qof walba oo masjidka ku jiray. Maydadka dhawr qof oo dhulka yaalla ayaan arkay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii masjidka ku sugnaa.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in falkan uu ahaa mid argagax leh oo aan marna la aqbali karin.

“Tani waa mid ka mid ah maalmaha ugu madow ee dalka New Zealand, ayay tiri Ra’iisul Wasaare Jacinda Ardern.

Dhanka kale, Taliyaha booliiska NZ, Mike Bush oo isagana warbaahinta kula hadlayay goobta uu weerarkan argagaxiso ka dhacay ayaa sheegay inay illaa afar qof ay xabsiga u taxaabeen, kuwaasoo lagu tuhmayo inay ku weerarka ku lug lahaayeen, inkastoo aan la ogeyn inuu ku jiro ruuxii weerarkaan ka dambeeyay iyo in kale.

Booliiska ayaa amar ku bixiyay in la xiro dhamaan masaajidda dalkaas ku yaalla, waxaa kaloo ciidammo ilaaliya la geeyay goobaha waxbarashada iyo goobaha kale ee ay dadku isugu yimaadaan.

Ugu dambeyn, ma jirto cid sheetay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana la sheegay in afarta ee loo xiray ay isugu jiraan saddex rag ah iyo haweeney, kuwaasoo booliisku ay uga shakisan yihiin abaabulka weerarkan.

PUNTLAND POST

The post Muslimiin fara badan oo lagu Laayay Weerar lagu qaaday Masjido ku yaalla New Zealand appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this