Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi “Ma is qabanayso Ethiopia ciidamo badeed ayay dhisaneysaa dhulkii ciidankeenana Safaaradaa laga dhisayaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uusoo dhigay Bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay dhismaha ciidamada Badda ee Ethiopia iyo amarkii dhawaan kasoo baxay guddoomiye Yariisow, kaasi oo ahaa in dhulkii ciidamada Badda laga dhigayo aag safaaradeed.

Hoos ka akhriso qoraalka Axmed Fiqi.

Waa isku kay qaban weyday!

Itoobiya ciidamo bad ayey dhisanaysaa waxaana arrintaas ka kaalmaynaya Faransiiska, dhulkii ciidamada badda Soomaaliyana safaarado ayaa la siinayaa waa isku kay qaban weyday!?

Dalka Soomaaliya amnigiisa ayaa laga hadlayaa iyo xoojinta AMISOM, Soomaaliyana qeyb kama ahan arrintaas sida ay ku heshiiyeen madaxweynaha Faransiiska iyo kan Kenya ayana waa isku kay qaban weyday!?

Ciidamada AMISOM dhaqaale haloo raadiyo oo aan wax dagaal ah kula jirin Alshabaab mudadii labada sano aheyd ee la soo gudbey, kuwii Soomaaliyana mushaar la’aan ayey ka cabanayaan ayana waa isku kay qaban weyday!?

Qorshaha muuqda waa in baddii Soomaaliya ciidamo Itoobiya ay hogaaminayso oo hor leh in la dhigo, halka AMISOM oo ciidamo mileteri iyo Boolisba leh la doonayo in ay weli sii joogaan Soomaaliya, dhaqaalana loo raadinayo.

Qorshaha dawladaha deriska ah ay wadaan wuxuu u muuqdaa mid Soomaaliya lagu qabsanayo laguna xalaalaysanayo dhulkeeda iyo baddeeda, ayadoo dawladaha qaarkood ay ka faa’idaysanayaan xiriirka Soomaaliya ay la leedahay caalamka oo sii xumaanaya oo ay sabab u tahay habdhaqanka siyaasadeed ee Villa Soomaaliya.

Waxaa la joogaa xilligii la dhisi lahaa ciidamo qaran oo dalku yeesho, oo hanan kara amniga dalka, kana ilaalin kara khataraha dibadda, hadalka madaxweynaha Faransiisku wuxuu inkirayaa dal la yiraahdo Soomaaliya oo madax-banaan, oo ay tahay in arrimaha asaga khuseeya lagala tashado, Soomaaliya taladeeduna gacanta uguma jirto Kenya iyo Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this