Sign in to follow this  
Cabdow

The documentry Silent Cry (discover the uncovered tragedy)

Recommended Posts

Kamaavi   

Silent Cry lagu dhigay Melbourne Australia 06/02/2010.

 

Feb 8, 2010 (QOL) Maalintii oy bishu ahayd 6 Feb 2010 ayaa waxaa lagu soo bandhigay magaalada Melbourne ee gobalka Victoria, wadanka Australia Filinkii Silentcry (Oohinta Qarsoon). Waxaa ka soo qayb galay dad tiradoodu kor u dhaaftay 950 ilaa 1000 qof oo iskugu jira Soomaali iyo ajnabi ah aqoonyahan, culumo owdiin iyo arday.

 

Saacdu markey aheyd 3:00pm waxaa la furay hollka weyn Melbourn Waxaa xaflada ka shaqeynayey dhalinyaro gaadheyey ilaa 55 qof ku was oo ku labisan funaanado ku qoran yahiin (Silent cry) Filimkan oo laga soo duubey xeryaha qaxootiga ee ku yaala gobolka waqooyi bari dalka Kenya , halkaasoo ay ku sugan yihin kumaanaan qof oo ka soo barakacay xasuuqa ay ciidamada Itoobiya ka wadaan wadanka Ogadeeniya.

 

245a329.jpg

 

Furtaankii filinka ayaa waxaa ka hadlay Ayaan Abdullaahi oo ah gabadh yar 15 jira ah ku hadashay ,hadal yar dadkii meysha joogay qiiro galisay waxeyna ku soo dhaweysay markii dabe gudomiyaha jaaliyada ogadeenia Xikim sheikh kaas oo warbixin yar filimka ah dadka siyey ku hadlay Luuqada englisha ah iyo somaliga.

 

Furitaankii barnaamijka iyo soo dhawayn kadib waxaa lagu soo dhaweeyey hawl wadeenadii Filimka, kuwaas oo si kooban uga hadlay sida uu filimnkan ku bilowdey iyo sababaha ku kaliftay in ay Filimkan soo bandhigaan, ayadoo ay Dhalinyaradu khudbadoodii ku sheegay in ay dalxiis u aadeen wadanka Kenya, kadibna ay kula kulmeen nin Taksiile ah magaalada Nairobi. Wuxuu Taksiilahaasi u sheegay dhalinyarada dalxiiska ahayd in dhamaanba qoyskiisii ay xasuuqeen ciidamada Ethiopia, marwadiisiina ay dab qabadsiiyeen, ilaa iyo eegana uunan ka warhaynin afadiisii geeri iyo nolol midna.

 

21l0s90.jpg

 

Sheekadaa naxdinta leh kadib ayey dhalinyarada ku dhalatey in ay sheekadan baadhaan, waxayna u safreen xeryaha qaxootiga ee ku yaala gobolka waqooyi bari ee dalka kenya, halkaasoo ay kula soo kulmeen dad ay ka muuqato dhibaato aad u balaadhan oo isagu jirta jidh dil, kufsi, xarig dhac iyo barakac. Fikradan soo saarista Filimka ayaa ka dib ku dhalatay, dhalinyaradan ayaa waxeey ku bixinayeeyn warbixintoodii luuqda Englishka ah iyo somaliga.

 

Dhacdooyinka murugada leh Filinkan ku ira waxaa ka mid ah Gabadh ay kufsadeen 9 ka mid ah iidamada Itoobiya oo Simaha naafo ka noqotey. Gabadhan oo inta badan ooyeysa ayaa daawadayaasha filimka qalbigooda dilaacisay. Sidoo kale, waxaa ku jirta Hooyo lahayd 3 Wiil oo laba kid ah ay Ciidamada Itoobiya dileen, midkii seddexaad oo siqiir ahna lagu qasbey in ay iyadu gacanteeda ku dal-dal-dasho.

 

xfw485.jpg

 

Dhibaatooyinka lagu soo badhigay filimka ayaa gabi haanba ah dhibaatooyin murugo leh, waxaana kuu muuqanaysa marka aad daawato filimka siyaabaha ay ciidamada Itobiya iyo kuwa u adeega ugu talaxtageen xuquuqul insaanka shacabka Ogadeenya. Mudada aad filimka daawanayso ayaadan waxaad arkaysaa in qiso kasta oo filimka ku jirta ay ka murugo badantahay midba mida ay ka dabeyso.

 

Aad ayey u adagtahay in si hoose looga sheekeeyo dhibaatada ka muuqato dadka Filimkan murugada xambaarsan ku jira ee ay Ciidamada Itoobiya xasuuqeen. Qofka daawada filimkan wuu ku reebayaa xasuus qalbigiisa marba ka dirdirmaynin.

 

1t4v4n.jpg

 

Waxaa meysha ka hadlay dhalin yaro yar yar midka ugu weyn jiro 12 jir ku madalayaan dhalinyaradii dhibka soo gadhay ku durjubayaan luuqda English-ah , dhalinyaradan yar yar ka hadashay ayaa waxeey ka mid yahiin jaaliyadda heer ogadeenia magalada Melbourne Australia

 

Daawashada Filimka ayaa waxaa garab socdey iibinta funaado ay ku qoranyihiin ereyada Silent Cry. Funaanadahan ayaa dadku u iibsanayeen si tabarucaad

 

2vi4936.jpg

 

Filinkaa soo bishii lasoo dhaafay ay ka soo dagay Perth Australia laguna dhigay markey aheyd bishu 30. 30/01/2010

 

Sawirada oo badan Halkan ka sii gal

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

What a successful global awareness campaign. I admire these youth for their dedication, masha Allah.

 

Sadly, they refused to come out to Western Canada, hence why I have yet to see the doc. Perhaps I will get to hear those stories in person some day in the near future.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this