Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka Yaa Handaraabay :Abdi-Shotaly)?

Recommended Posts

Deeq A.   

Faanka iyo alalagta hoosta ka qalaalan, wax aan sal iyo raad lahayn, oo aanay sakaaro ka biirsan buun-buunin-teedda, janaan idin gelinayaa, iyo beelo baa inoo wadda Somaliya, durbaan-beenaad ummadda loo garaaco, siddii wakhtiggii Af-weyne ee gola-yaasha dad-weynaha, khudbadaha dhalan-teedka ah looga akhriyi jirey, guubaabadii ma jaro habaabinta ahayd ee la odhan ku heesta bulshooy ” Hugunku-waa-hugunku waa hayaankii bulshadad cusub” iyo wax ka sii daran lagu maaweelin jirey baa taagan, oo ah aabahood ( Waa af-weyne’e) ay askar-tani ka dhaxashay, (IHN) waa kuu uu lahaa Abwaan Qasim ” Markii taladda habar saar leh iyo sebiyo loo dhiibay, baa saanca-daaliyo nin raggi, sibiq-dhaqaaqeene, waa wadda socdaaleen, raggii soocanka ahaaye.

0E4A7CD5-0499-4A39-B134-4FD9F88EA9B7.png

naagaha surwaalka lihi masharad, ha u safnaa-deene, sabaaladda ha moodeen, in loo sahanshay meel roone.”.
Waxan uga socdaa dadkii dalkan u soo dhintay-na debedda bay ka joogaan, dumar, duul aan meela u soo marin iyo laba askari oo khiyaali ku nool, baa meesha ka sacab tumaaya, meel kastana albaabadda baa loo xidhay, meel habeenkaa caawa ah, dalkii ka sii qiiqaysaa ma jirto gude iyo debed-ba, Handaraabka baa loo jiiday.

(a) Idaacaddii qaranka ( Hadeer ah idaacadda Xafadeed), Laba bilood dabadeed, markii xukunka ay af-duubeen askartu, ee Cabdiraxmaan ( Hablo Caaye) Wasiirka war-faafinta iyo dhanka loo maqaar saaray, buu hantiddii ay ku shaqay-naysay uu is daba mariyey, way fadhidaa ilaa hadda, mana jiro shaqaale, mushahar-koodiina C/raxmaan baa jeebka bil walba ku shubta, mamnuucaysa xoriyatul-qawlka, ilayn quraaradda buu la caqli yahaye.

(b) Jariira-dahii dalka ka soo bixi jirey sidda Foore, handraabka baa lagu dhejiyey, calaa-shaan wax bay naga sheegtay, oo way na kashiftay.

(c) Ma jirto Lacag Somaliland leedahay oo dalka gudihiisa laga isticmaalaa, siddii aynu nahay degmo Maraykanka ka mid ah, baa doolar-koodda dalka lagu sii sabaa, wax meel u yaala ummadda saboolka ah haba sheegin. Kii aan ku xidhnayn debedda ee aan laga soo caawin aabihii goblan. Handaraab baa lagu yuururiyey Lacagtii Somaliland, ee (IHN) uu inoo sameeyey Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal, si aanay u ceeshin inta aan ku ab-tirsanin askariga meesha ka calan-wa-laynayaa.

(c) Waxa iyana laga qufulay meheradihii ay ku meermeera-yeen ganacsatadii yar-yaarayd, oo malaayiin baa albaabadu u xidhmeen, markii ay wax waliba cirka isku shareereen, ee cidi u soo geli wayday,ilayn ma goyn karaane, wixii yaraa ee meesha yaalay-na, ay in gaar ahi jeebka ku shubatay.

(d) Wasaaradda Arimaha debedda ay ku sheegaan, iyana waa fadhiid, aduunka way ka handaraaban tahay, safaradaha wixii ay odhan jireen, meesha way ka baxeen, oo way soo xidhmeen, wax kale daayo kiraddii bay iska bixin kari la’yihiin, oo qaar ilaa hadda loo haystaa kuwii yidhaahaan safiiro, waxana lagu amray in ay gurya-hoodda ku shaqeeyaan, ilayn kharash looma hayoo waa maamul kacaye.

Soo ururi oo akhristaw, ugu dambayn, waa kuwii iyaku kala hadlaayey, ee mar ay wax qirtaan iyo mar ay hadana dafiraan noqday, oo yidhaahaan sidaa umaanu jeedin, markay meel ay ka baxaan waayeen, ee ay jiho kastaa daaha soo rogatay, shilin la soo furan waayey, caalamkii yidhi, kuma kalsoonin sidda aad wax u maamushaan, ee Somaliya baan idiin soo mari-naynaa. Badhisaab mareexaan ee muqdiso ( waa farmaajo’e iyo ka murursade ee ay yidhaahaan waa ra’isal wasaare), baa meel walba naga soo xidhay, waa kuwii shirarka ka akhriyaayey askarigu, markay laantuu qabsa-daaba ay la jabtay. Waxa xaal-koodu imika ku sugan yahay, heestii ay wadda qaydi jireen( Ilaah ha u naxariisto’e Xasan diiriye iyo sahra ahmed, taas oo ay ereya-deedda ka mid ahaayeen ” Bad baan galay iyo Baaxad sooroo waa aniga is boobe” iyo (IHN) tii salaad derbi ee iyaduna ahayd ” Mayey xoog-laa I muquurshoo, mijihii baan meel la waayee”. waxan ku soo duuduubay qoraalkan, Ha ka saarto cuqdadda boga iyo beerka googoysay, waa cudur aan aduunka dawadiisa lagu hayne, Hadeer bay la dhalan-doolayaan yaa idinka maareeya, kolkii ay adhaxdda kala jebiyeen Somaliland.

N.B Mayey Xoog-Laa I Muquurshoo, Mijihii Baan Meel La Waayee!

Qore:- Abdi-Shotaly.

ashotaly5@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this