Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Soomaliya Iyo Wafti Uu Hoggaaminaayo Oo Sacuudiga Kala Hadlay Qadiyada Xoolaha Nool.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Rita’s) Raysal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadaer) oo ay wehliyaan wasiirrada maaliyadda iyo xannaanada xoolaha ayaa dalka Sucuudiga kula kulmay wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sucuudiga, Eng. Abdulrahman bin Abdulmohsen Al-Fadley.

1CE253DF-4850-441C-872E-ECA9097C9FF7.jpe 03E8FD11-853D-4347-A0B6-32CB18410FC8.jpe

Kulanka ay yeesheen wadfiga uu hoggaaminayo Raysal Wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sucuudiga ayaa looga hadlay qorshaha xoolaha Soomaaliya loogu iib-gaynayo suuqyada dalka Sucuudiga.

A0963098-5E40-4585-B299-D982148543F4.jpe

Raysal Wasaar ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadaer), iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray dalka Sucuudi Carabiya oo kamid ah dalalka xariirka walaaltinnimo ee soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this