Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Somalia oo soo saartay qoraalkii rasmiga ahaa ee jawaabta go’aanka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal rasmi ah, oo ay uga jawaabeyso go’aankii dowladda Kenya, kaasi oo loogu talo-galay shacabka iyo warbaahinta.

Qoraal goor-dhow ay baahisay warbaahinta, oo ay Caasimada Online ku jirto, islamarkaana kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda, ayaa la sheegay inuu ahaa qoraal loogu talo-galay dowladda Kenya oo kaliya, balse ay dusisay.

Hoos ka aqriso qoraalka cusub ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

WAR-SAXAAFADEED

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo 2019, waxay caddeyneysaa:

  • Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka
  • Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda kunsalaysnan ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab.
  • Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks) ah oo la xaraashay.
  • Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda.
  • Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda.
  • Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya.
  • Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda.

Dhammaad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this