Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo guddi gaar ah u magacaabay xil-wareejinta wasaaradaha

Recommended Posts

Deeq A.   

4 kamid ah golaha wasiirada cusub ee Puntland, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay, wasaaradihii loo magacaabay, kadib markii shalay xildhibaannada Baarlamanku ay cod-buuxa ku ansixiyeen xukuumadda cusub.

Wasiirada xilka la wareegay ayaa kala ah; wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal, wasiirka Degaanka, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, wasiirka Caafimaadka, Jaamac Faarax Xassan iyo wasiirka Arrimaha gudaha, Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad.

Dhinaca kale,  madaxweynaha Puntland ayaa guddi ka kooban 4 xubnood u magacaabay arrimaha xil-wareejinta, waxaana dhammaan wasaaradaha lagu wargeliyay in ay la shaqeeyaan guddigaasi.

“Waxaa lagu wargelinayaa, dhammaan wasaaradaha Dowladda Puntland in loo xil saaray xil-wareejinta wasiiradii hore iyo wasiirada cusub guddigaasi” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Guddiga loo igmaday xil-wareejinta ayaa kala ah agaasimaha madaxtooyada, xeer ilaaliyaha guud, hanti-dhowraha guud iyo xisaabiyaha guud ee dowladda Puntland.

Warar hoose oo Puntland Post heshay, aya sheegaya in guddigaan loo magacaabay , si loo ilaaliyo hantida dowladda xilligan kala guurka ah.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo guddi gaar ah u magacaabay xil-wareejinta wasaaradaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this