Sign in to follow this  
Deeq A.

Heerarka ay soo martay dacwadda Badda  ee ka dhaxeyso Soomaaliya iyo  Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, tan iyo markii uu bilowday muranka u dhaxeey labada dal ee dhinaca xuduuda badda, taasoo soo jiitameysay muddo 10 sano ah.

Tallaabadii shalay ay qaaday Kenya ee ay Safiirkeeda ula noqotay, kuna amartay inuu dalkeeda ka baxo Safiirkii Soomaaliya, waxaana arrintan ay keentay su’aalo kala duwan.

Inkastoo dowladda Kenya ay sal uga dhigtay go’aankeeda in Soomaaliya ku soo xadgudubtay, isla markaana ay xaraashtay shidaalka ku jira dhul badeedkeeda, waxaa loo arkaa mid qar iska tuur ah oo ay ku xalaaleyneyso dhulka ay labada dal ku muransan yihiin ee ay dacwadeeda taal Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague.

Haddaba halkan ka akhriso taariikhda muranka badda Kenya iyo Soomaaliya:

April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.

Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.

Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.

August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya.

Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodad ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad oo ku faahfaahiyo heshiiska.

July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go’aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas.

December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go’aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal.

Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo.

Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso.

Soomaaliya aya ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas.

Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda.

Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka betroolka ee Soomaaliya, Cabdirashid Maxamad Axmed, oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay in goobaha sahminta laga sameeyay ay ku jirto qeybta badweynta Hindiya ee Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransan yihiin, isagoo sheegay in Soomaaliya ay leedahay go’aanka la xiriira arrintaasi, inta ay maxkamadda cadaaladda caalamiga ee ICJ ay ka soo saareyso go’aankeeda ku aadan murankaasi.

Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegtay in shirkii shidaalka Soomaaliya ee Lonodn lagu xaraashay “hantida shacabka reer Kenya,” taas oo ay sheegeen inay tahay tallaabo aan loo dulqaadan karin.

Manta oo ah 17-ka bisha Febraayo, 2019-ka, Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo hadda ay jiraan shirar arrintan looga hadlayo oo ka socda madaxtooyada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this