Sign in to follow this  
Deeq A.

Suxufi caan ah una dhashay Kenya oo banaanka soo dhigay in dhulka laga helay shidaalka ay leedahay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Tan iyo galinkii dambe ee Sabtida, markii ay dowladda Kenya ku dhawaaqday iney Danjiraheeda Soomaaliya u yeertay, kii Soomaaliyana ka direyso Kenya, waxaa baraha xiriirka bulshada si weyn loogu hadal hayay xiriirka xumaaday ee labada waddan.

Dadka ka hadlayay arrintan ayaa isugu jiray siyaasiyiin, mas’uuliyiin, aqoonyahanno wax falanqeeya iyo dadka muwaadiniinta ah ee labada dal.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa go’aanka safiir kala qaadashada ku dhawaaqday, waxayna barteeda Twitterka soo dhigtay qoraal ku aaddan tallaabadaas.

Rober Alai oo ka mid ah suxufiyiinta ugu caansan Kenya ee ka faallooda arrimaha gobolka ayaa boggiisa Facebook ku soo qoray in dhulka uu ku jiro shidaalka ay Soomaaliya beecisay uuba yahay mid ka tirsan xadka dhinaca biyaha Soomaaliya.

“Marka la eego khariidadda iyo xog hoose oo qota dheer, Kenya waxaa kaliya oo ay daandaansaneysaa Soomaaliya. Arrinta muranka badda waa mid adag oo aan la fahmi karin laakiin qiyaas ahaan, meelahan uu shidaalka ku jiro waxay ka tirsan yihiin Soomaaliya. Hoggaamiyeyaal hunguri weyn oo u dhashay Kenya ayaa isku dayaya iney waddanka adeegsadaan si ay u fushadaan danahooda gaarka ah”, ayuu yiri.

roberto.png

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this