Sign in to follow this  
Deeq A.

Qisadii cajiibka ahayd ee maansada nuuxnuuxsi ee (Xasan Ganey)

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Waxa uu yidhi ruug cadaagii mu-alifkii abwaankii weynaa ee XASAN X. CABILLAHI XASAN GENAY.
“Anigoo Heeganka ku qoran xarunta ciidanka ee MIISKA SARAAKIISHA ee magaalada Hargeysa ayaa waxa xeradii soo gashay gabadh waxana ay la istaagtay nin ka mida ciidanka meesha ku sugnaa oo ay wada hadal bilaabeen iyagoo hadal kii wada ayaa uu ninkii mar kaliya bahal dhibaxo ah kaga soo gooyey inantii mise haddana ku dhuftay mid kale qof walbaaba yaab la joojiyey wixii uu gacanta ku hayey, sarkaal aan meesha ka fogeyn ayaa kusoo dhaqaaqay oo askarigii dhibaaxo ku bilaabay.
Intaa ka dib inantii oo ooyaysa ayaa ninkii isku duubtay oo tidhi “Alla walaal ka daa tiisu waxba ima yeelaysee”.
Wuxuu yidhi XASAN Ganey “aadbaan ula yaabay arinkaa gabadha iyo askariga dhexmartay iyo inta uu leegyahay iyo halka uu ninku ka joogo maadaama uu dhibaaxo la dhacay meel la wadda arkaayo iyadoo gabadh soomaaliyeeda iyo sida ay iyadu boholyowga , kalgacalkeedu yahay iyadoo uu u quudhay inuu ku dhirbaaxo dad hortii ku dhufto haddana iyadu way ka xanuunsatay oo ay ka damqatay dhirbaaxada isaga la gu dhuftay”.
Taasina waxay abwaanka isla goobtii kusoo dedejisay maankiisii miida malabka suugaantu kasoo dhibiq-tifi jirtey maansada nuuxnuuxsi oo ka hadlaysa qofka wax jeceli inuu marwalba daranyahay haduu ka kale necebyahay xataa.
Qofkaasina aanu nacas ahayn lkn uu la darsey wax awoodiisa ka weyn oo aanu xukumi karin oo ah boholyow caashaqa oo wax aanu qofku iska yeelyeelin.

Nafta jecel qofkii neceb
Nolosheeda kama talin
Ogow nacasna maahee
Halka uu naxligu galo
Hadduu nabarka caashaqu
Ku nagaado oo dego
Nudaygana uu ka hantiyo

Niyaddaa mid kaliyoo
Ma taqaan noqnoqoshee
Anna adoo nitaakh iyo
Nuuxnuuxsi mooyee
Iga jaray naruurada
Waxaan kuugu nabanahay
Qalbigaad nuglaysiyo
Wadnahaa i naafo ah

Nafta jecel qofkow nixin
Naaneys xumaantiyo
Neef diidka aragtaye
Waxay nabadda ula tahay
Kol hadday ku noogaan
Kuwa xumaha naadshaa
Xiskuna kaa nayaayiro

Niyaddaa mid kaliyoo
Ma taqaan noqnoqoshee
Anna adoo nitaakh iyo
Nuuxnuuxsi mooyee
Iga jaray naruurada
Waxaan kuugu nabanahay
Qalbigaad nuglaysiyo
Wadnahaa i naafo ah

Xuquuqda qoraalku waxay u reeban tahay qoraaga

W/Q Cabdi Cawiye
Phone 063-411577

Facebook Cabdi Caawiye Ismail GUNTI-GAAB

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this