Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka AMISOM Oo qaraxyo lagula eegtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo kolonyo ka tirsan kuwa ciidamada AMISOM barqanimadii maanta lagula bartilmaameedsaday degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxyadan oo labo ahaa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay ciidamadaasi, xilli ay marayeen agagaarka isgoyska Ex Koonytarool Balcad ee degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxyada, kadib ciidanka AMISOM ay fureen rasaas xoogan, taas oo la soo warinayo in uu ku dhintay 1 Qof.

Lama oga illaa iyo hada khasaaraha dhabta ha ee AMISOM ka soo gaaray qaraxyadaasi.

Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbxiyay, sida ay wax u dhaceen.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

The post Ciidanka AMISOM Oo qaraxyo lagula eegtay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this