Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Uhuru Kenyatta & Farmaajo waxay ku kala tageen Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khilaafka cusub ee ka dhex curtay dowladaha Soomaaliya iyo dowladda Kenya kaasi oo soo if baxay markii Dowladda Kenya ay magaalada Nairobi kasoo eriday safiirka Somalia ee dalka Kenya.

Khilaafkan cusub ayaa la ogaaday inuu kasii daray khilaaf horey ugu dhaxeeyey Farmajao iyo Uhuru Kenyatta oo la xiriira xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa shaaciyay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo Kenya ay isku qabteen dib usoo laabashada madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo uu Farmaajo diidan yahay, balse Kenyatta ku adkeysanayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Kenya uu  ergo usoo diray magaalada Muqdisho, kuwaasi madaxweyne Farmaajo kala hadlay sidii Axmed Madoobe loogu ogolaan lahaa inuu dib ugu soo laabto xilka madaxweynaha Jubbaland, waxaana taasi diiday madaxweyne Farmaajo oo ergada ku wargeliyay inay la yimaadaan musharax kale.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Kenya bilowgii sannadkan uu Ergo ka socotay Odayaal ka soo jeeda Soomaalida-Kenyanka ah u soo diray Mdaaxweyne Farmaajo si uu uga fekero inuu Axmed Madoobe mar kale ku sii nagaado xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Dowladda Kenya waxay horey kaalin muhiim ka soo qaadatay sidii uu Axmed Madoobe ugu guuleysan lahaa  Doorashaddii Madaxtinimadda ee Jubbaland ka dhacday sannadkii 2013-kii.

Codsigii Madaxeynaha Kenya ayaa la sheegay inuu ku gacan sayray Madaxweyne Farmaajo oo Ergadii Somali-Kenyanka u sheegay inay soo xushaan Murashax kale ee lagu bedeli doono Axmed Madoobe,

Dhinaca kale, Wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi oo aan Warbixintan daabacay ayaa waxa kale oo uu qoray in Xiriirka labada Waddan ee deriska ah uu xiriirkooda xumaaday bsihii Augsut ee sannadkii hore, kadib, markii ay Maamulayaasha Hay’addaha Ammaanka Kenya fureen Baaritaano ku aadan qaabka uu Fahad Yaasiin oo xilligaasi ahaa Ku-xigeenka Agaasimihii Hay’adda NISA, balse hataan ah Agaasimaha Guud ee NISA ku helay Baasabooradda Soomaaliga iyo Kenyaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this