Recommended Posts

gooni   

Beelaha la hayb sooco waa ku dulman yihiin snm.

Sababta keentayna aragtidayda ma'ahan nacayb gaara oo beel ahaan loogu hayo waa nadaamka meesha ka jira oo beel ku dhisan qudhiisa lagumana sheegi karo dawlad laga dacwoodo.

Dawlad waxaa noqon kara dad aan jufaysnayn nadaamkoodana ku saleeya aqoon karti iyo arimo kaloo wanaagsan.

Dadka la hayb sooco boqorkoodu ma ahayn inuu baal goroyo madaxa saarto qudhiisu, soomaaliya waxay uga gudbi karaan hayb sooco inay aqoonta diiniga ah iyo tan maadiga ah labada xoogga saaraan, haddii ay kusii darsadaan farsamadoodii gacantana ayagaaba aakhirka wax hayb sooci doona.

Wax yaabaha iga yaabiyay oo aan somaalida cusub ka bartay waxaa ka mida

Fanaanad caana oo da'wayn oo labo beelood isku haysato!

Beelu maxay qiimo ah oo ku fadhidaa?

Xataa hadiiba la kala sare mariyo oo la dambaabo waligay ma maqal beesha ay leedahay waan ka lumay oo barbera deggan.

Kuwa magaalada sheekh deggan oo walaasheed la joogto sida ay sheegtayna, qof kastoo soomaaliya asagoo uurka hooyadi ku jira ayuu maqlay waa beel caan ah oo soomaaliyoo dhan taqaano magaalo qurux badana way ku dhalatay.

Taas waxaa laga baran karaa in cunsiriyadda soomaalida lagu tirtiri karo dhaqaale iyo aqoon hadiise ay niyadda gashadaan inay ka hooseeyaan dadka kale ama qabiil kale ama xaafado gaara degaan cadaalad ka heli maayaan qabiilo kale waligood, ama qarran ha la baxeen ama reer suldaan cali.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Waa runtiis awoowe xil sare iyo mid dhexe labadaba looma ogola.

Kuwa aqoonsiga doonaya, yaa qudhoodu is dhex gelin waxbana isu ogolayn.

Tusaale hargaysa kuwa dhanka gabilay xigta ka dega umasoo gudbaan dhanka soke, haday yimaadaana qoraxdu uguma dhacdo.

Burco waa sidoo kale way u kala qaybsantahay.

Qarranka ay sheegayaan waa jufada xukunka haysata markaas.

Dhanka cunsiriyadda ama hayb sooca way kaga horeeyaan koonfurta intaan ka aqaan, balse hadana wax sidaa ugusii fog ma'ahan oo wadnahooda gaartay waa wax ku salaysan masaalixdooda gaarka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.