Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad Ka Jirta Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka maanta ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad cabsi ku beertay shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Xiisaddan ayeey u dhaxeysaa guddoomiyaha degmada Baardheere iyo ku xigeenkiisa waxaana ay ka dhalatay go’aan uu shalay ku dhowaaqay madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa guddoomiyahii hore ee Baardheere u magacaabay guddoomiye si loo xalliyo khilaaf muddo taagnaa, hase ahaatee waxaa taasi ka carooday ku xigeenkiisa.

Guddoomiye ku xigeenka oo ciidan wata ayaa shalay la wareegay xarunta degmada, iyadoo dhanka guddoomiyahana la sheegay in ciidankiisa doonayeen iney degmada dagaal ku qabsadaan.

Cabsida weli ma aanay dhammaan sababtoo ah waxbo lama xallin, xaaladuna waa ay kacsan tahay.

Waxgaradka ku dhaqan degmada Baardheere qaarkood oo u warammay Goobjoog waxa ay ka codsadeen madaxda sare ee Jubbaland in xaaladda degmada ay wax ka bedalaan, islamarkaana aan shacabka lagu dul dagaallamin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this