Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar oo si kulul ugu jawaabtay Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilhaan cumar oo katirsan golaha aqalka Sanatka ee dalka Mareykanka ayaa jawaab ka bixisay hadal kasoo yeeray madaxweyne Trump.

Qoraal ay Twitterkeeda ku qortay Ilhaan Cumar ayeey kaga hadashay arimo ku saabsan taageerada Mareykanka uu siiyo Yahuuda.

Hadalkaaasi waxaa ka carooday madaxweynaha Mareykanka Trump oo ugu baaqay Ilhaan in ay is casisho.

Ilhaan ayaa si kulul arintaaasi uga pjawaabtay qoraal ay soo dhigtay twitterkeeda.

‘Weligaa waxaad ku socotey nacayb ka dhan ah Yuhuudda, Muslimiinta, dadka asaliga ah, soo galootiga, dadka madowga ah iyo in kale Anigu wax baan ka bartay dadkii uu warkaygu saameeyay adigu goorma ayaad baran doontaa?” ayay Twitter-ka kusoo qortay Ilhaan Cumar.

Ilhaan Cumar aayaa raaligalin ka bixisay eedeeyn loo soo jeediyay oo ah yahuud naceyb inkastoo Trump uu san ku qancin.

Puntland Post

The post Ilhaan Cumar oo si kulul ugu jawaabtay Trump appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this