Sign in to follow this  
Deeq A.

“Haddiiba Qof Ay Tahay Inuu Is Casilo Waa Trump” Ilhaan Cumar Oo U Jawaabtay Madaxweyne Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ka mid ah Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa si kulul ugu jawaabtay Donald Trump, kaasoo hadalo iyada ka dhan ah sheegay, ugana baaqay inay is casisho.

Donald-Trump.jpg

Qoraal kooban oo ay ku soo qortay Twitterkeda ayey ku sheegtay Xildhibaan Ilhaan Cumar in haddiiba qof ay tahay in uu isu casilo hadal naceyb ah oo uu sheegay uu qofkaasi yahay Donald Trump, iyadoo tilmaamtay in noloshiisa oo dhan ay nacayb ku saleysan tahay.

Donald Trump ayaa isagoo saaran diyaaradda “Air Force One” Talaadadii la hadlay wariyeyaasha, waxaana uu sheegay in qoraalka Ilhaan Cumar uu ka tarjumayo naceybka ay u qabto Yuhuudda, taasoo lidi ku ah mabaadi’da Mareykanka iyo taageeradiisa Israel.

Guddoomiyaha Golaha wakiillada Aqalka Hoose ee Mareykanka Nancy Pelosi oo ka soo jeeda xisbiga Dimuqraadiga ayaa madaxweyne Trump iyo xisbigiisa ka difaacday hadallada Ilhaan Cumar ka dhanka ah ee ka soo baxay Trump iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah.

Nancy Pelosi ayaa sidoo kale Trump iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah uga digtay in ay wax ka sheegaan Aqalka hoose oo uu aqlabiyaddiisu hoggaaminayo Xisbiga Dimuqraadiga ah

Ilhaan Cumar, ayaa maalmihii danbe eedo kala duwan la kulmeysay, wixii ka danbeeyay markii ay sheegtay in ururka Aipac oo ah guddi u qaabilsan arrimaha Yuhuuda Maraykanka uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil.

Ilhan Omar oo xisbi ahaa katirsan Dimuqraadiga, ayaa laga soo doortay degmada 5aad ee gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, iyadoo noqotay qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo Congress­ka Mareykanka xubin ka noqday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this