Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Jabuuti Oo Qaabilay Wafti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wafti uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo uu ku weheliyo wasiirka qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahin Shirwac oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa dalka jamuuriyada Jabuuti ayaa maanta la kulmay raysal wasaaraha Jamuuriyada Jabuuti Abdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay ku weheliyaan wasiirada khayraadka Biyaha iyo waliba ciyaaraha ee dawlada Jabuuti.

b3-1024x767.jpg

Kulankani oo nuxur kiisu daaranaa sidii labada dal waa Jamuuriyada Somaliland Iyo Jamuuriyada Jabuutiye ay iskala wada shaqayn lahayeen dhanka Iskaashiga geeska, amniga iyo waliba xoojinta xidhiidhka labada dal ayaa ahaa mid ay masuuliyiintu kulan saacado qaatay ay ku wada shireen xafiiska Raysal wasaaraha Jamuuriyadda Jabuuti Abdiqaadir Kaamil Maxamed.

Wasiirka Gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo waftiga hogaaminayey ayaa sheegay in ay labada dal ay yihiin laba dal oo walaalo ah taasina ay keentay in ay kulamadan ay la yeelanayaan madaxda sar sare ee Jamuuriyada Jabuuti ay bud-dhig u tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this