Sign in to follow this  
Deeq A.

“Haddaan Dhinto Xabaashayda Ha Imanina, Aas Qarana Haysamaynina” Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Oo Xaalad Caafimaad U Jiifa Cusbitaalka Hargeysa Oo Farriin Qiiro U Diray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Gaashaanle Dhexe Jaamac Caasi oo cusbitaalka hargeysa u dhex jiifa xaalad caafimaad oo lasoo daristay ayaa farriin u diray taliyaha ciidanka booliska, waxaana uu sheegay inuu waayay waajibaadkii uu ku lahaa taliskiisii ciidanka ee waa sida uu sheegaye mudada afartanka sano ka badan ka tirsanaa.

Gaashaanle Dhexe Jaamac Caasi ayaa farriintiisa uu ku socodsiinayo taliskii uu ka tirsanaa, waxa uu ku bilaabay sidan;

“Waxaan ciidanka booliska ku soo biiray 1977-kii, intaa waxaan ahaa xubin boliiska ah, waxaan lahaa talis, waxaan lahaa xudun, waxaan lahaa meel aan ku arooro, waxaan lahaa meel I xanaanaysa. Boliiska waxa ku yimaada dhibaatooyin aad iyo aad u culus, kuwa aniga iyo yimid waxa ka mid ah Rasaas, budh, dhabarkoo la iga jabiyay baa kamida. Dhibaatada maanta I haysataa waxay noqotay, waxaan waayay meeshaydii, taliskaygii baan waayay, waxa la I dhexdhigay oo aan muddo bil ah dhex aalaa dad odayaala oo gaboobay, marba meel baa la ii jiidayaa oo la ii rarayaa, markaa dhibkaygu wuxuu yahay, waan waayay meeshii aan afartanka sanadood ku aroorayay ee hilowga badani ii hayay ee aan islahaa waa meesha ku aasi doonta, waan waayay. Aakhiro wax laysuma ahee, waxaan idin leeyahay, haddaan dhinto ha I aasina.” Ayuu yidhi Gaashaanle dhexe jaamac caasi

Gaashaanle dhexe Jaamac caafi , Farriintana waxa uu diray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

“Madaxweynaha waxaan leeyahay, waxaanu u baahan nahay inaad dhakhtar noo dhisto, oo dhakhtar na daweeyo, dhakhtar boliis ahi na dhayo, oo aannu helno dhakhtar ciidanku leeyahay oo aannu leenahay. Ninkaygaa sarkaalka ah ayaa waxa I muday inan, markuu irbadii iga saaray buu igu yidhi; adeerow ma I garanaysaa’? markaasaan idhi adeer ku garan maayee kumaad ahayd? Markaasu I yidhi; barigii la gubay ceelashii Boorame, inamadii aad eryatay eed buurta kala baxday ayaan ka mid ahaa, dabadeedna irbadii baa I damaqday!!!. Way I damaqdayoo waxaan odhan lahaa boolisku wuxuu leeyahay cadow badan, intaa waxbuu eryanayaa, xidhayaa, qabqabanyaa, haddii kuu eryanaayay meel loo dhigo, waa nasiib-darro. Markaa madaxweyne, waxaan ku leeyahay, booliska dhakhtar ha loo dhiso, nin boolis ahi dhakhtar ha u noqdo booliska.”

Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this