Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Puntland Oo La Horgeyn Doono Baarlamaanka Maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   



Garoowe(SMN)- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa lagu wadaa in golihiisa wasiirada horgeyn doona baarlamaanka maamulkaasi,si ay u meel mariyaan.

Xubnaha wasiirada uu soo magacaabay madaxweyne Deni oo ka koobnaa 48 xubnood ayaa maanta hortagi doona baarlamaanka maamulka Puntland,si ay u weydiistaan codka kalsoonida.

Madaxweynaha Puntland ayaa xalay kulamo gaargaar ah kula gargaar ah kula yeeshay xubno ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland oo uu kala hadlay arimo ku saabsan xukuumada uu soo dhisay.

Dhawaan ayey aheyd markii madaxweyne Deni uu ku dhawaaqay golihiisa wasiirada oo mudo fara badan ay u dheg taagayeen dadka ku nool deegaanada maamulka Puntland.



The post Golaha Wasiirada Puntland Oo La Horgeyn Doono Baarlamaanka Maamulkaasi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this